Weriye Ka Tirsan BBC oo Lagu eedeeyay inuu Hadal Cunsurinimo ka Muuqdo Ku Sifeeyay Ciyaartoyga Somalia uga Qaybgalaya Tartanka Rio
London 12.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wariye ka tirsan BBC-da ayaa fadeexad cunsurinimo ah dhex istagay kadib markii uu cayaartoyda Somalia uga qayb galaya tartamada Rio uu ku masleeyay budhcad badeed.
Show ka baxay BBC-da bishan 9-keeda ayaa lagu sheegay hadalka uu saxafigaasi sheegay mid kaftan ah,Laakiin dad badan waa dhibsadeen hadalkaasi.
Waxaa hadda la baarayaa in hadalkii wariyaha Ian Timms uu ahaa mid kaftan loo qaadan karo iyo mid cunsuriyad ah.
Ian Timms ayaa barnamijkiisa ku yidhi “ Waxaan helnay xoogaa natiijo ah oo tartamada doomaha Shiraacyada ah caawa. Kooxda Ingiriiska waxay heshay Dahab,Denmark waxay heshay Qalin, halka labada lammaana ee da’ dhexaadka ku jira ay wali wadaan doomaha sshiraacanayaan caalamka”
Wuxuu kusii daray” Tabobaraha Soomaaliga ah ee Olympikada waa inuu raalli galin siiyaa saraakiisha Olympikada , maaddaama Toogashada iyo Tartanka doomaha shiraaca aysan isku mid ahayn”