“ Awrka iyo Ninka maxaa u dhexeeya ayaa lays weydiiyey waxaa la yidhi Hoggaanka,Sidaas oo Kale anaga Iyo Maxkamadahana….” Taliyaha Booliska Somaliland
Hargeysa 12.Aug 2016 (SDN/QJ):- Taliyaha guud ee ciidammada booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan aya faahfaahin dheer ka bixiyey qorsheyaal ay u dejisteen sidii looga qayb qaadan lahaa dib u habaynta Garsoorka iyo caddaaladda kuwaas oo ay ciidammada Boolisku qayb ka yihiin hay’adaha shaqadaasi u qaabilsan qaranka.
Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan waxaa uu sheegay in ay bishan aynu ku jirno badhtankeeda isugu iman doonaan kulan ka qabsoomi doona dugsiga tabobarka ciidammada ee Mandheera halkaasi oo shir ay boolisku kaga qayb qaadanayaan tayaynta iyo dib u habaynta caddaallada isugu keeni doonaan hormadii labaad ee taliye qeybeedyada iyo baadheyaasha booliska gobollada dalka. “Waxaan aad iyo aad uga mahad celinayaa sidii ay halmar u wada tallaabsadeen bahda Garsoorka iyo ciidanka Booliisku, muddadii uu joogay guddoomiyaha maxakamadda sare ee JSL ee uu madaxweynuhu u magacaabay xilkan, run ahaanna muddadaas uu guddoomiyuhu hayay xilka maxakamadda sare waxaan odhan karaa wax weyn baa iska bedelay shaqadii garsoorka”.
Sidaa ayuu yidhi taliyaha ciidammada booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan, oo maalintii shalay ka hadlayay munaasibad abaal marino lagu guddoonsiinayay hay’adihiii iyo mas’uuliyiintii kaalinta muuqata kaga soo qayb qaatay hawshii dib u habaynta laamaha caddaaladda qaranka, kuwaas oo xaflad shalay lagu qabtay hotelka Maansoor ee magaallada HArgesa ay bahda garsoorku shahaado sharafyo iyo abaal gudyo kale ay ku maamuuseen xubnahaas.
Taliye Cabdillaahi Fadal Iimaan khudbadda uu munaasibaddaasi ka jeediyey waxaa kale oo uu kaga hadlay dib u habaynta garsoorka iyo hay’adaha kale ee hawsha noocan oo kale ah lagu sameeyey, waxaanu yidhi “ hawsha reform-ku [dib u habayntu] kuma koobna bahda caddaallada oo kaliya, ee waxaanu [talis ahaan] annaguna diyaarinay qorsheyaal si ay isula tallaabsadaan Booliiska iyo Garsoorku, waxaana jiray in aanu hormadii koowaad ee taliyeyaasha iyo saraakiisha buliiska aanu isugu geynay Madheera, annaga oo qorshehayagu yahay sidii dib u eegis iyo dib u habayn ugu samayn lahan hawsha aanu ummadda u hayno, sidaasi darteed mar labaad waxaan xusuusinayaa taliyeyaasha iyo baadheyaasha dhammaan gobollada Jamhuuriyadda Somaliland in bishan haddii alle yidhaahdo badhtamaheeda hormadii labaad isugu keeni lahayn [Madheera].s idoo kale waxaanu iyana samaynay waax noo qaabilsan bulshada [community Police] kuwaas oo xilkoodu yahay sidii ay bulshada io boolisku isugu dhawaan lahaayeen. Waxaa kale oo aanu iyagana dardar gelinay qaabka iyo nidaamka aanu Boolis ahaan ula shaqaynayno garsoorka, hadday tahay aqoonta, qalabka iyo wixii kale eel agama maarmaan u ahba. Waayo…..” ayuu yidhi taliyaha ciidammada Boolisku Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, waxaanu intaa ku daray “ Awrka iyo Ninka maxaa u dhexeeya ayaa lays weydiiyey oo waxaa la yidhi labadooda waxaa u dhexeeya xadhiga Hoggaanka ah, sidaasi si lamid ah Buliiska iyo Maxakamaddaha Waxaa u dhexeeya Xeer Ilaalliyaha, albaabka aanu maxakamadaha ka soo gelaynaa waa xeer ilaalinta”.
Ayuu yidhi Taliye Fadal. Dhinaca kale waxaa uu taliyuhu u mahad naqay hay’adaha kale ee qaranka ee ay wada shaqaynta leeyihiin “waxaan halkan uga mahad celinayaa wada shaqaynta naga dhaxaysa iyo mar kasta oo ay wax soo kordhaan sida aanu wada tashano guddoomiyaha maxakamdda sare iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka. Waxaana anigoo ka faa’iidaysanaya fursadan maadaama oo ay fadhiyaan guddoomiyeyaashii maxakamadaha gobolladu in aanu taliye-qeybeedyada gobollada hadday yihiin, laamaha dembi baadhista [C.I.D] iyo nabad gelyada waddooyinka aanu farnay in la kulmaan oo ay la shaqeeyaan maxakamadaha heer gobol/degmo oo wixii ay uga baahdaanna u fududeeyaan. Aniguna waxaan ballanqaadayaa inaan xagga ugu hoosaysa ka soo toosiyo caddaaladda”.
Ayuu yidhi Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, taliyaha ciidammada Booliska Somaliland. Gebogebobadiina waxaa isaga oo ku halqabsanaya qaar kamid ah marti sharaftii madasha lagu casuumay waxaa isaga oo kaftamaya uu sheegay in ay jiraan saraakiil hore uga tirsanaan jiray booliska, ama laamaha kale ee caddaaladdu ay bulshada dhexdeeda ku jiraan haatan “ Haddaan in yar oo kaftan ah aan idhaahdo rag badan oo booliska ahaan jiray ama garsooreyaal ama xeer illaaliyeyaal ahaan jiray baa halkan ka soo jeedda, dee taas lafteedana waa waxa aanu dadka kale dheernahay oo dee xagganna [booliska] waanu ku jirnaa, xaggana [bulshada] waanu ku jirnaa”.