Kaalin Intee Le’eg ayuu Wasiirka Hawlaha Guud ku Leeyahay Khilaafka soo Noqnoqday ee ka dhex oogan Golaha Deegaanka Burco?
Burco 12.Aug 2016 (SDN/QJ):- Golaha Deegaanka Ee Degmada Burco Waxa Mudooyinkii Udanbayay Soo Kale Dhex Galay Khilaaf Cakiran Oo Ukale Qaybshay Laba Garab Oo Kale Yeeshay Laba Maayir Iyo Xildhibaano Isleeg Dhanka Tirada. Hayayeeshe Khilaafka Golaha Deegaanka Degmada Burco Ayaa Ku Eeka Badalka Gudida Fulinta Ee Golaahaasi Lakiin Markii Danbe isku Badashay Waji Adag Oo Qabyaladaysan Ka Dib Markii Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guryaynta Somaliland Cali Mareexaan Soo Galay Khilaafkaasi.
Wasiir Cali Mareexaan Ayaa Xildhibaano Kasoo Horjeeday Maayirka Magalada Burco Ustaad Maxamed Muraad Oo Taabacsana In Xilka Laga Qado Maayirka Ula Shiray Hab Beelaysan Isla Markaana Shaaciyay In U Heeshisiyay Golaha Deegaanka Degmada Burco Taas Oo Sababtay In Golaha Deegaanku Ukale Fadhsiitaan Hab Qabayaladaysan Oo Ku Kaliftay Garabka Kasoo Horjeeday Maayirka Burco Inay Ku Dhawaqaan Maayir Cusub Iyo Ku Xigeen Isla Markaana Burco Yeelatay Laba Maayir .
Khilaafkaasi Soo Kale Dhexgalay Golaha Deegaanka Degmada Burco ayaa Wali Taagan Oo Ukale Qaybsan Laba Garab Taasina Ay Xildhibanadu Iyo Bulshada Burco Ku Eedayeen Inuu Dab Kala Dhex Dhigay Wasiir Cali Mareexaan Xildhibanadaasi,
Si Kasta Ahaate Waxa Jira Khilaafka huursan Ee U Dhaxeeya Golaha Deegaanka Degmada Burco Oo Markale Imid Banaanka iyada oo wararka naga soo gaadhaya Magaalada Burco ee caasimadda Gobolka Togdheer ay tibaaxayaan in door weyn uu ku leeyahay khilaafkaasi soo laba kacleeyey wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Somaliland Md. Cali Xasan (Cali Marreexaan) iyada oo aan la ogayn illaa imika sababta mar walba keenaysa khilaafkan soo laba kaclaynaya ee muddoba ka aloosnaa Golaah Deegaanka Burco, kaasi oo keenay in Golahaasi noqdo mid fadhiid ah oo aan wax qabad kii umaddu uga baahnayd la iman.
Dhawaan ayay ahayd markii xubno uu ka mid yahay Maayar ku xigeenka Golahaasi iyo xildhibaano taabacsani ay sheegeen in khilaafkii goluhu wali taagan tahay iyaga oo eedeeyey Maayarka Golahaasi Maayar Muraad oo la sheegay in uu isagu khilaafka qayb weyn ka yahay.
Illaa imika lama oga halka uu sal dhigan doono khilaafka kala irdheeyey Golaha Deegaanka Burco taasoo mar walba khilaafkaasi lagu eedaynayo in uu qayb ka yahay oo soo kiciyo Wasiir Cali Marreexaan.