Dubabka Dhaqanka Gobolka Hiiraan Oo Diiday Qodobadii Laga sosaaray Shirkii Madasha wada-tashiga qaran DAAWO
Beledweyne 12.Aug 2016 (SDN/QJ):- Dubabka dhaqanka Gobolka hiiraan ayaa sheegay in aanay qeyb ka aheyn hanaanka doorashooyinka Soomaaliya ee bisha October dhici doona, iyadoo cadeysay in aanay jirin cid ku matasha.
Dubabka Dhaqanka ayaa si wadajir ah u muujiyay sida ay ugu so horjedaan waxana ay meel fagaaro ah kala hadleen boqolaal dad ah oo iskugu yimid hoolka weyn ee xasan dhiif ,
Ugaas Xasan Ugaas khaliif oo kulanka ka hadlay , ayaa shegay in aysan jirin cid ku matasha Gobolka hiiraan oo ka qeyb galay shirka madasha wada tashiga ee dhawaan muqdisho lagu so gabagabeyay,
Shirkii Madasha wada-tashiga qaran ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray war murtiyeed kaas oo ay dadbadan ka so horjeesteen.