|

Magacyada 69-Kii Mudane Ee Heshiiska Dp World Ogollaaday, Afartii Xildhibaan Ee Diiday Iyo Kuwii Ay Naanaystu Raacday

Hargaysa 12.Aug 2016 (SDN/QJ):- Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay heshiiskii maal-gelinta marsadda Berbera ee xukuumaddu 09/05/2016 la gashay shirkadda caanka ah ee laga yeehayay imaaraadka carabta ee DP World.

golaha-wakiiladaHeshiiskan ayaa waxa uu dhigayaa in shirkada PD World Somaliland u dhisayso dekad cusub oo 400 mitir ah, marka ay taasi dhammaatana dayactir balaadhan iyo casriyayn lagu sameeyo dekaddii hore, in wax laga qabto kaabeyaasha bulshadda sida laydhka, biyaha, kalluunka iyo waddooyinka. Fadhigaas aqalka wakiiladdu ku ansixiyeen heshiiska hordhaca ah ee casriyaynta dekadda Berbera, waxa guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ay hareeraha ka fadhiyeen labadiisa Ku-xigeen.

Waxa ka soo xaadiray fadhiga 74 xildhibaan oo ka mida 82-ka xildhibaan ee golaha wakiiladu ka kooban yahay. In heshiiskaas loo ansixiyo sida ay xukuumaddu golaha u hor-keentay, waxa ogolaaday oo “HAA” ugu coddeeyay 69 xildhibaan, waxa diiday 4 xildhibaan.

Halka cid ka aamustay aanay jirin, guddoomiyuhuna aanu codayn, sidaasna waxa uu heshiiskaasi ku noqday mid ansax ah oo laga xalaaleeyay aqalka wakiiladda. Shirkadda PD World, waxay gacanta ku haysaa in ka badan 70 dekedood oo ku yaalla wadamada ugu horumarsan adduunka, sida Ingiriiska, Ruushka iyo Maraykanka.

Magacyada Afarta Xildhibaan Ee Diiday Heshiiska

Arrinta xiisaha lihi waxay ahayd in heshiiskan ay caaridadiisa ku kaliyaysteen afar Mudane oo laga soo doortay gobolka Saaxil, kuwaasi oo heshiiskan olole weyn oo lagu carqaladeynayo ka galay muddooyinkii la soo dhaafay. Mudaneyaashani waxay ka coddeeyeen oo ay diideen heshiis dhigaya in horumar balaadhan laga sameeyo gobolkii laga soo doortay.

Magacyadda Afarta Mudane Ee Naanaystu Raacday Kala Yihiin:

  1. Siciid Cilmi Roole
  2. Siciid Cartan Cisman
  3. Xaamud Cisman Cigaal
  4. Axmed Xasan Aadan (Weysa cade)

69-kii Mudane Ee Ogolaaday Heshiiska:-

  1. Baashe Maxamed Faarax
  2. Cali Yuusuf Axmed
  3. Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac)
  4. Cali Maxamed Aadan (Cali Barre)
  5. Saleeban Cawad Cali (Bukhaari)
  6. Axmed Cabdi Nuur (kijandhe)
  7. Maxamed Cali Xirsi (Obama)
  8. C/raxman Cisman Caalin
  9. C/raxman Yuusuf Cartan
  10. Ibraahim Caraale Cabdi (Ruush)
  11. Baar Siciid Faarax
  12. Ibraahim Jaamac Cali (Reyte)
  13. Ibraahim Mahdi Buubaa
  14. Naasir X. Cali Shire
  15. C/raxman Maxamed Talyanle
  16. Cabdi Maxamud Jaamac (Gaagale)
  17. C/casiis Ismacil Ducaale
  18. Saleeban Yuusuf Cali (Koore)
  19. Siciid Maxamed Cilmi
  • Xaashi Xuseen Caabi
  1. C/karim Abuubakar Good
  • C/ramxan Maxamed Jaamac
  • C/qaadir Jibriil Tukaale
  • Axmed Barkhad Obiisye
  • Cali Sh. Ibraahim Aareeye
  • Siciid Warsame Ismaciil
  • Farxan Maxamed Cali
  • Faarax Maxamuud Cabdule
  • Maxamuud Dhunkaale Guutaale
  • Xamze Maxamed Gaadaweyne
  1. Axmed Jaamac Warfaa (Wadka)
  • Maxamuud X. Maxamed Cumar Xaashi
  • C/karimm Aw Cali Shabeel
  • C/laahi Xuseen Cige (Blacky)
  • Axmed Faarax Jooge
  • Xusen Ismaciil Yuusuf
  • C/qaadir Jamac Xaamaud
  • Axmed Maxamed Nuur
  • Maxamed Cisman Bulqaas
  • Cali X. Maxamed Muuse
  1. Maxamed Cumar Aadam (Jiir)
  • Maxamud Axmed Obsiiye
  • Axmed Ducaale Bulaale
  • Axmed Cabdi Kaahin
  • Maxamed Saalax Cige
  • Wali Axmed Xaawo
  • Maxamed Axmed Maxamed (Dhakool)
  • Cabdi Hiirad Warfaa Faahiye
  • Yuusuf Liibaan Cumar
  • Cali Obsiiye Diiriye (Gabiley)
  1. Maxamed Jamac Cabdi
  • Maxamed Jama Cali
  • Maxamed Baaruud Shide
  • Aadan X. Diiriye DIrir
  • C/raxman Jaamac Muuse
  • AxmedYaasiin Sh. Cali Ayaanle

57.

  • Xusen Maxamed Cige
  • C/laahi Axmed Yuusuf (Madar)
  • Ibrahim Axmed Reygal
  1. Maxamed X. Yuusuf Axmed (Waabeeyo)
  • Maxamed Xusen X. Ciise
  • Mahdi Xusen Cadar
  • Mahdi C/laahi Maxamuud
  • Xasan Cawaale Ceynaan
  • Xasan Muuse Hufane
  • C/qaadir Askar Xasan
  • Muuse Maxamed Ismaciil (Hoos-ujeed)
  • Ismaaciil Maxamed Xasan

Mudanayaasha Fadhigan ka maqnaa:-

Waxaa Fadhiga aan joogin Markii la codeynayay 8 Mudane oo qaarkood fadhiga ka baxay, qaarna fasax Golaha kaga maqnaayeen waxayna kala ahaayeen sidan:-

  1. Cumar Axmed Saleebaan (Sanweyne)
  2. Maxamud Jamac Cilmi (Dable)
  3. C/qaadir X. Ismaaciil Jirde
  4. C/raxman Maxamed Jaamac (Aw-xoog)
  5. Ibraahim Axmed Heybe
  6. Aadan Muxumed Hoore (Mataan)
  7. Jamac Xasan Aadan
  8. Maxamed Faarax Qabile
  9. Bashiir Sh. Xuseen Tukaale

Comments are closed