“Maqnaanshaha Somaliland Wuxuu Qayb Ka Yahay Ducfiga iyo Tamar-darrada Ka Jirta Soomaaliya..” Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia DAAWO
Muqdisha 11.Aug 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadaha Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa si gooni-gooni ah uga hadlay wadahadallada u dhexeeyey dhawrkii sannadood ee ugu dambeeyey oo hakad ku jiray tan iyo bilawgii sannadkii hore, waxaanay Somaliland ku eedaysay inay Soomaaliya ka caga-jiidayso sii socoshada wada-xaajoodkaas.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa sheegay in ka maqnaanshaha Somaliland ay ka maqantahay Federaalka ay dhabar-jab ku tahay ummadda Soomaaliyeed. Waxaanu ku dooday in natiijada wadahadalku haddii ay is-jiid-jiid qolaba meesheeda ku dheggan tahay uun ku dhammaadaan inaan laba dalna lagu kala noqon Karin, hal dalna lagu wada ahaan Karin.
“Haddii la isla joogo iyo haddii la kala tagay oo ay ku yimaaddaan Miiska oo ay qolana tidhaahdo waa joogaysaan, qolona tidhaahdo waannu tagnee waxaad doontaan sameeya kuma ahaanayno laba dal ama kuma ahaaynayno hal dal. Sida la rabo in aan kuwadda joogno, dabcan dadkani waa dad wadda-dhashay, waa dad isku ehel ah, waa dad isku xidhan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Odawaa oo u warramay Horn Cable TV.
Waxaanu Wasiir Odawaa oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray oo uu yidhi; “Annagu waxaannu aamminsannahay maqnaanshaha Somaliland ka maqan tahay nidaamka hadda Soomaaliya ka jira, wuxuu qayb ka yahay ducfiga iyo tamar-darrida ka jirta Soomaaliya. Laakiin, waxaad moodda inay jugtii ka tamar badisay taxliilkii laga rabay inay reer Somaliland sameeyaan, oo ah waar dadkani waa dadkiinnii haddii ay baahanyihiin, hadday bakhtiyayaan, hadday qarxayaan, hadduu dhib ka jiro dadkiinniibaa halkan joogga. Laakiin, wadahadalkaasi wuu furan yahay oo albaab wayn baa ka furan.”
Hase-yeeshee, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay inay wadahadallada u socday labada dhinac ay ka caga-jiidayso Soomaaliya, balse ay Somaliland dhinaceeda diyaar u tahay sii socoshada wadahadallo midho-dhal noqda, isagoo ku dooday inay somaliland iyo ssoomaaliya ahaayeen laba dal oo 1960-kii midoobay oo wax isku qasbaya wakhtigan aanay jirin.
“Waxan la midawnay Soomaaliya July 01-1960kii, waxayse noqotay midnimo shaqayn wayday, waannu Xisaabtanay Shacbi ahaan, waxaanannu soo ceshannay Madax-bannaanidayadii 18, May,1991-kii.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed-Sillaanyo oo shalay la hadlay Safiirka Kenya u fadhida dowladda Denmark oo booqasho ku timi Hargeysa oo Madaxweynuhu Xafiiskiisa ku qaabbilay isla shalay.
Madaxweynaha Somaliland oo sii wata hadalkiisa, waxa uu yidhi; “Waxaannu ku wada jirnaa Soomaaliya wadahadal dunidu markhaati ka tahay oo annaga naga go’an in uu sii socdo, balse ay caddaanayso marba marka ka dambaysa in uu dhinaca Soomaaliya ka gaabinaayo.”
Wadahadallada 2012-kii u bilaabmay Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa hakad galay 1-da bishii Maarso ee sannadkii 2015-kii, ka dib markii ay labada dhinac isku diideen Ergooyinka ka qaybgalaya wadahadallada oo ay Soomaaliya ku soo dartay Shaqsiyaad xilal ka hayo Federaalka oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, kuwaasoo ay Somaliland-na si weyn uga biyo-diidday, isla markaana go’aansatay inaanay wadahadli Karin, Shaqsiyaad aan cid metelin oo Muqdisho u shaqo-tegay sida ay ku doodday, halka ay Federaalkuna ku adkaysatay go’aankaas. Waxaana marar kala duwan dib u dhacyo ku yimaaddeen wakhtiyo loo qabtay in la sii ambaqaado wada-xaajoodka.