Madaxweyne Xasan Sheekh Ma baneen Doonaa Xafiiska marka la gaaro 10 September ?
Muqdisha 11.Aug 2016 (SDN/QJ):- Waxaa meesha ka baxay qodob kamid ah Dastuurka oo dhigayay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kursiga Baneenayo marka la gaaro 10- bisha September oo ku eg xiliga rasmiga ah ee loogu tala galay in aqalka Madaxtooyada sii joogo.
Qodobka 91aad ee Dastuurka KMG ee dalka ayaa dhigaya in marka uu Madaxweynaha waqtigiisa dhamaado in uu booska baneenayo uuna xilkaasi lasii wareegayo Guddoomiyaha Baarlamaanka inta Madaxweyne kale laga dooranayo.
Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran oo iyaga la wareegay awoodii dalka ayaa meesha ka saaray qodobkan, waxa ayna isla ogolaadeen in aan la faarujin kuraasta ayna Dowlada hada jirta shaqada sii wado ilaa laga helayo mid badasha.
”Madashu waxa ay tixgeliyeen in ay lagama-maarmaan tahay in muddada gaaban ee kala guurka ah looga gudbo si huwan nabaadiino iyo xasillooni, aysan dhicin firaaq hay’adeed ku yimaada jiritaanka laamaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka. Madashu waxay guddoomisay in laga billaabo taariikhda ay ku dhammaaneyso muddada xil-heynta laamaha dawladda, ay xilka u sii hayn doonaan ilaa iyo inta natiijada cusub ee doorashada ee laamaha dastuuriga ah lagu dhawaaqo, sida ku cad jadwelka ay soo saareen (GFHDD). Ayaa lagu yiri War-Murtyeedki ishalay lasoo saaray.
Sida ku cad qodbkan kamid ahaa War-Mur-tiyeedkii kasoo baxay Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran waxaa shaqada Dowlada usii socon doontaa sidii hore ,waxaan xafiis walba sii joogi doona Msauulkii horey u hayay xitaa hadii uu Musharax yahay.