Aqalka Senate-ka Brazil oo u codeeyay Dilma Rousseff in si rasmi ah loo dacweeyo
Brazil 10.Aug 2016 (SDN/QJ):-Aqalka Senate-ka Brazil ayaa u codeeyay in lagu qaado dacwad rasmi ah madaxweyne Dilma Rousseff oo shaqada laga joojiyay, ka dib markii lagu eedeeyay inay jabisay sharciga miisaaniyada ee dalkaasi u degsan.
Senate-ka ayaa u codeeyay 59 taageersan iyo 21 ka soo horjeeda dacwadda Rousseff, oo la filayo in la qabto dhamaadka bishan.
Aqalka Senate-ka Brazil ayaa shaqada ka joojiyay Rousseff bishii May, ka dib eedayn la xidhiidhta lacago si sharci daro ah loo isticmaalay.
Dhankeedana Waxay Rousseff sheegtay in talaabada ay qaadatay ahayd Mid uu dalkeedu hore ugu soo dhaqmi jiray.
Ka dib dood adag oo dhamaatay maanta saacadihii hore, senate-ka ayaa helay tirada codka ee ay u baahnaayeen si go’aan looga gaadho in si rasmi ah loo dacweeyo Ms Rousseff.
Dilma Rousseff, ayaa lagu eedeynayaa inay Kharash garaysay lacag aad u badan Iyadoon wax ogolaansho ah ka haysan aqalka ongress-ka, iyo inay ka qaadatay ammaahyo bangiyada dowladda si ay u kordhiso miisaaniyada dowladda Xiligii ay qabsoomaysay doorashooyinka 2014, ee dib loogu doortay.
Dadkii la shaqaynayay xisbigeeda Shaqaalaha ayaa sheegay in dadka badan ee ku jira congress-ka ee eedeynaya Rousseff, in iyaga naftigooda lagu eedeynayo musuqmaasuq.