Wasiirka Warfaafinta Somaliland iyo Afhayeenka Madaxtooyada oo Isku Faro Saaray Cida ku Hadli karta Afka Madaxweynaha
Hargaysa 10.Aug 2016 (SDN/QJ):- Dagaal Gacan Ka hadal Ah ayaa Shalay Galab Qasriga Madaxtooyada ku dhex maray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Mudane Cismaan Saxardiid Caddaani iyo Afhayeenka Madaxtooyada C.raxmaan Sheekh Cilmi Faahiye Shamax .
Dagaalkan ayaa yimi kadib markii wasiirka warfaafinta oo warbaahinta la hadlayay ku daray khudbadiisa in isagoo ku hadlaya afka madaxweynaha somaliland uu xildhibanada mahad celin balaadhan u diray codkay ku ansixiyeen heshiiska maal galinta dekada berbera waxaana hadalku udhacay sidan
Afhayeenka Madaxtoyada Shamax…. “Wasiir markaad adigu ku hadasho afka madaxweynaha somaliland Waxaan Aniguna ku hadlayaa Afka Wasiirka Warfaafinta”
Cadaani ayaa soo Booday oo Yidhi “Car ku hadal Orod oo Madaxweynaha Weydii Waxaad ku hadlayso”
Waxaana intaa kadib hadalka qaatay wasiirka xanaanda xoolaha cabdilaahi cukuse oo ka ag dhawaa halkaa waxaanu wasiirka warfaafinta usheegay inuu khaldamay ee ay ahayd inuu isagu ku hadlo afka xukuumada ee mey ahayn inu ku hadlo afka madaxweynaha
waxaana intaasi kadib lagu dhameeyay is gacan qaad iyo heshiis dhexdooda wasiirada qorsheynta iyo xanaanada xooluhu kala dhex dhigee
Maaha markii ugu horeysay ee ay sidan isku qabtaan wasiirka warfafinta iyo afhayeenka waxaana maalin sidaa u fogayn wasiirka warfafinta cadaani qabtay shir jaraa id isagoo ku hadlay afka xukuumada waxaana intaa kadib isna warbaahinta saacad kadib lahadlay afhayeenka madaxtoyada oo ku hadlaya afka xukuumada.
maalintaasina waxa dhacay jaafa jiriq labada dhan ah oo ay isku afdhaafeen oo wasiirku afhayeenka kku qabsaday sababta uu uga daba hadlay mar hadii uu isagu afka xukuumada ku hadlay oo uu hore warbaahinta umariyya intan isaguna kadaba mariyya
waxaana hada lakala joogaa gool iyo gool mid kastaa dhankiisa guul ka gaadhay qabsigiisa ka kale ee la xidhiidha in isagu xaq ulahaa hadalka warbaahinta lamariyay