|

“Dekedda Berbera Ama Ta Boosaaso Ama Ta Kismaanyo Cid Kasta Oo Tidhaahda… Aad Baanu U Soo Dhawaynaynaa In La Maalgashado” Wasiirka Dekedaha Federaalka Soomaaliya DAAWO

Muqdisho 10.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Dekedaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Faaarax Xirsi, ayaa ka warramay qorshaha Wasaarad ahaan uga meel-yaalla horumarinta Dekedaha, Maalgelinta iyo Maamulidda Soomaaliya iyo Maamullada hoos-taga Federaalka iyo weliba Wareejinta Dekedda Berbera oo ay Xukuumadda Somaliland heshiis kula gashay Shirkadda DP World oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta.
Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Nuur Faarax Xirsi, waxa uu arrimahaas iyo kuwo badan oo kale kaga warramay Waraysi gaar ah oo uu Magaalada Muqdisho kula yeeshay Weriye Maxamed-Boosh oo ka tirsan Weriyeyaasha ka hawlgala Horn Cable TV oo Booqasho shaqo ku tegay Muqdisho.

WASIIRKA-DEKEDAHA-FEDERAALKA-SOOMAALIYA-NUUR-FAARAX-XIRSIHaddaba, Waraysigaas oo dhinacyo kala duwan taabanaya, arrimo badan oo Siyaasadda Somaliland iyo Soomaaliya ka mid yihiin iyo sababtii uu Soomaaliya ku tegay markii uu guul-darraystay Urur-siyaasadeedkii la odhan jiray Gurmad oo uu Somalilland ka aasaasay sannadkii 2012-kii, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed