|

War Deg Deg ah: Golaha Wakiiladda oo Codkii ugu Badnaa Ku Meel Mariyey Heshiiskii Xukuumadda Iyo Shirkada DPW

Hargaysa 09.Aug 2016 (SDN/QJ):- Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Daqiiqado ka hor Waxay Cod aqlabiyad ah Ku Meel Mariyeen Heshiiskii Qabyada ahaa ee ay Wada Galeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Iyo Shirkada Imaaraadka laga leeyahay ee DPW.

Fadhigan oo Xamaasad Gaar ah Xambaarsanaa ayaa Waxaa ka soo Xaadiray in ka badan 75 Xildhibaan oo ka mid ah 82 Xubnood ee Aqalkaasi ka Kooban yahay,Shirgudoonka ayaa Mudanayaasha u soo Jeediyey inay ansixiyaan ama diidaan Heshiiskan Waxaana Cod Gacan taag ah ku Ogolaaday 69 Xildhibaan Halka ay ka Diideen 4 Mudane oo Keliya.

Ilaa Xalay Waxaa Xoog looga dareemayay Magaalada Hargaysa dhaqdhaqaaq ay Xukuumadu ku Xod Xodanayso Mudanayaasha ka soo hor jeeday heshiiskan.

Comments are closed