|

Dadka Kenya oo La Sheegay in aanay Lahayn Hal abuur Ganacsi,Somaliduse Ma Dhaantaa?

Nairobi 09.Aug 2016 (SDN/QJ):- Khubaro ganacsi oo kusugan Kenya ayaa ganacsatada Kenya ku eedeeyay inaysan hal abuur lahayn oo shaqo ka dhigteen inay wax koobi gareyaan.

kenya-mallss-360x200Silas Nyanchwani  waxa uu sheegay in Nairobi ay ka Moolal iyo dukaamo badan tahay New York.

 

Timirtii horeba dab loo waa baa ka dhacday Kenya. Dukaamadii hore oo maranaya oo aysan dad badan galin, ayaa haddana kuwo cusub la dhisayaa.

 

Arintan waxaa lagu sheegay inay tahay musiibo ku habsatay ganacsiga Kenya. Dadka inta badan hadda suuqa soo galaya waa qar iska tuur miiran, waxaana suuqa ay soo galayaan ayagoon samayn wax qiimayn ama daraasad ah.

 

Dhanka kale hal abuurkii baa lumay. Ma jirto  ganacsato si qoto dheer u fakaraya.  Waxaa ka jira ganacsi fara badan oo la iska koobi gareeyay, oo hoos u dhigay iibkii.

 

Tusaale dukaamada ku dhereran Tom Mboya ma jiro mid aan kabo gadaynin. Shirkadda Uber ee tagaasida waxaa la sadaaliyay in 2017 ganacsigeeda ay koobiyayn doonaan 20 shirkadood .

Ganacsiga Nairobi haddii uu sidaa kusii socdo waxa la saadaaliyay inuu khasaare kusoo wada gabo gaboobi doono.

 

Soomaliya ayaa waxa jira dhibaatadaas hadda wax laga qoray. Tusaale waxay caan ku yihiin inay ganacsiga kala koobi gareeyaan.

Waxay kaloo caan ku yihiin in ganacsiga oo aan wax daraasad lahayn in la iska furo hadhowna maalmo gudohood irdaha la isugu dhufto marka la khasaaro.

Comments are closed