|

Ma Dhab-baa In Siyaasiga Siciid Sulub Uu Iibiyey Guri Dawladdu Leedahay Oo Uu  Ku Jiray ?

Hargaysa 09.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka ee Xukuumaddii UDUB Siciid Sulub Maxamed, ayaa la sheegay inuu Iibiyey Guri Dawladdu leedahay oo uu muddo dheer ku jiray.

 

Gurigan oo ah Bangalo ku yaallo Xaafadda Shacabka ee Magaalada Hargeysa, ayaa Warar uu Wargeyska Himilo ka helay ilo-wareedyo kala duwan sheegeen inuu iibiyey Siyaasiga Siciid Sulub Maxamed oo ku jiray illaa wakhtigii uu ahaa Wasiirka Hawlaha Guud ee Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin.

 

Ilo-wareedyadu ma caddeynin Cidda uu Siciid ka iibiyey Guriga Dawladda ee uu sida ku meel-gaadhka ah ugu jiray, hasa-ahaatee waxay tibaaxeen in Gurigaasi ka baxay Gacantiisa isla-markaana ku wareegay Cidda aan la caddeynin ee iibsatay.

 

Gurigan Bangalada ah oo dhinaca Galbeed kaga yaalla Guri uu ku jiro Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumaddii UDUB Amb. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) imikana ah la Taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Wada-hadallada Soomaaliya, ayaa ku yaalla Goob istaraatiiji ah.

 

Siyaasiga Siciid Sulub Maxamed, ayaa hadda ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Comments are closed