“Golahaasi wuxuu ansixiyo ayaa sharci ah, haduu diidana waa gaar oo waxba la wadi maayo, hadaa taageertaan kaas ayuubaa sharci ah” Wasiirka Madaxtooyadda DAAWO
Hargaysa 07,Aug 2016 (SDN/QJ):- Xubnihii golaha wasiirada ahaa ee xukuumadda u xilka saarnaa heshiiska Dekeda Berbera ee DP World ay dhawaan kala saxeexdeen Somaliland iyo Shirkadaasi ayaa hortegay golaha wakiilada, kana jeediyey warbixin daaha ka fayday tuhuno badan oo shacbiga iyo xildhibaanadu ay ka qabeen nooca heshiiska kiraynta dekeda Berbera. Waxaana si mug iyo miisaanleh isu dultaagay wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland iyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada.
Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland sharaxaad ka siiyey nuxurka heshiis xukuumadu ay la gashay shirkada DP World ee maalgalinta Dekeda Berbera.
Waxaanu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi “Mudane gudoomiye iyo mudanayaal waxaanu saaka halkan Golaha Wakiilada idiinku soo gudbinay heshiis xukuumadda Somaliland la gashay shirkada DP World, heshiiskaas oo lagu maal galinayo dekeda Berbera, waxaanu aaminsanahay Xukuumad ahaan in heshiiskaasi sidii uu Dr. Sacad Cali shire hortiina ka sharaxay inuu Jamhuuriyadda Somaliland u yahay mid muhiim u ah, oo kor u qaadaya dhaqaalaheeda, siyaasadeeda iyo sumcadeeda intaba, sharax kaga noqon maayo wixii Sacad yidhi oo runtii ah wixii runta ahaa.”
Mudane Xaashia yaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Waxaanu golaha u soo gudbinay nuxurkii hesiiskii aanu la galnay shirkada DP World, heshiiskii kama dambaynta ahaa nuqulkii ugu dambeeyey heshiiska maanu sexeexin, waxa laga yaabaa in lays waydiiyo maxaa heshiiska kama dambayta ah golaha loogu keeni waayey, mudane gudoomiye iyo mudanayaal ma jiro waxa aanu qarsanaynaa, “ Nin Hulaab Xumi inuu wax qarsanayo ayaa la moodaa” hadaanu wax qarinayno halkanba maanu keeneen, waxa aynu ugu murmi lahayn sidii awalba aynu ugu murmi jrinay, sidii Xukuumadihii Somaliland ee kale dambeeyey iyo golayaasha sharci dajintu ay ugu murmi jireen qodobka awooda golaha wakiilada siinaya ansixinta heshiisyada caalamiga ah, ee Xukuumaduhuna iska taagi jireen heshiisyada caalamiga ahi waa kuwa dawliga ah, murankaa maanu ag marin sida uu gudoomiyuhu sheegay waa heshiiskii ugu horeeyey ee golahan la keeno, waa heshiis ugu luxdanaa, maadaama oo uu yahay heshiis saamayn ku leh qarankan iyo bulshadiisa, waxaanu go’aansanay inaan la jeesin, la hulaaban ama guntiga gaar wax u gashan, meesha la maalgalinayaa waa Berbera, “ Berberi wax go lagu qaado ka weyn”markaa in aanu la wadaagno madaxdii qaranka iyo hay’adihii sharci dajinta ayaanu doorbidnay, haddii aanu heshiiska gunaanadno, oo Final Contention agreement aanu saxeexno, mudane gudoomiye iyo mudanayaal markaa baahi badan looma qabo in golahan la hor keeno, waxa weeye nuxurkii tiirarkii heshiiskaasi ku tiirsanaa, aqalka marka la dhisayo seeska iyo kaabadaha iyo inta adag ayaa la dhisaa, hesiishkani intii uu ku taagnaa waa kuwa halkaa ku qoran.”
Wasiirka Madaxtooyada Mr, Xaashi ayaa geesta kalena sheegay inay mudanayaasha Golahaasi ka doonayaan inay taageeraan heshiiska waxaanu yidhi “ Waa ta labaade Golaha waxaanu ka doonaynaa inuu nagu taageero hesiishaka oo uu ansixiyo, hadii uu diido golaha dee sabab aanu heshiiska shirkada DP World u sii wadnaa oo aanu Final Draf la saxeexo looma baahan sidaa darteen nidaamka saxda ah waxaanu u aragnaa in aanu golaha hor keeno, nuxurkii, mucdii iyo tiirarkii uu ku fadhiyey, waxaanu dhawraynay golahan haybadiisa, waayo waa golle sharci-dajineed, inaad wax ansixisaan oo aad nagu taageertaan ayaanu doonaynaa, xaqna waxa u leedihiin inaa taageertaan iyo inaad diidaan.”
“ Mudane Gudoomiye iyo mudanayaal heshiiskani wuu ka duwan yahay xeerarka golaha soo mara, maalin walba waanu soo gudninaa nidaam ayeynu u leenahay golahu wuu xaq u leeyahay inuu wax ka badalo, wax ku darro, wax ka saaro wax ka celiyo, laakiin kani waa heshiis aynu la galnay shirkad ganacsi oo iyana faa’iido doonaysa inaguna aynu qaran ahaan faa’iido doonayno, gorgorantan adag ayeynu galnay, golahan waxa u furan inuu nagu taageero gorgortankaa waayo golahu maaha isagu ka gorgortanka la galaya shirkada DP World, anagaa la galayna oo ay umaddu noo doooratay, shaqaduna way inoo qaybsan tahay, markay sidaa tahay waxa kale oo idiin furan inaa diidaan, haddii la diido halkaas ayuu ku hadhayaa, wax dambe oo aanu la saxeexayno shirkada DP World ma jiro, iyagana sidas ayaanu ugu sheegnay, sababtaa darteed ayaanu heshiishkan hor dhaca ah ee nuxurkii ku dhan yahay aanu u keenay.”
Wasiirka Maxamuud ayaa geesta kalena sheegay in aanay suuro gal ahayn in wax ka duwan waxa goluhu uu ansixiyo ay kula heshiiyaan shirkada DP World waxanu yidhi “ Golahaasi wuxuu ansixiyo ayaa sharci ah, haduu diidana waa gaar oo waxba la wadi maayo, hadaa taageertaan kaas ayuubaa sharci ah, shirkada DP World lama gali karno waxaa wax ka duwan, hadaanu la galnana waa dambi qaran, asalka umadda Somaliland iyo qarankani uu ku dabagalayaa shirkada DP World heshiiska u dhaxeeyaa waa waxaas aanu golaha keenay “ Qoodhi fagaare ayey ku war sheegootaaa.”