|

Bannaanbax looga soo horjeedo Shirka Caynabo oo laga Iclaamiyay Buuhoodle & Dareenka Bulshada DAAWO

Buuhoodle 07,Aug 2016 (SDN/QJ):- Golaha deegaanka ee Khaatumo ee fadhigoodu yahay magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn ayaa ku baaqay mudaaharaad ka dhan ah koox wasiiro Khaatumo ka tirsan oo booqday magaalada Caynabo .

 

Guddoomiyaha golaha deegaanka Khaatumo oo warbaahinta la hadlayay ayaa ku baaqay in la isugu yimaado garoonka kubadda cagta ee Xabado ee ku yaalla Buuhoodle.

Mudaaharaadkan ayaa bilaaban doona sida la qorsheeyay 9-ka subaxnimo ee saaka waxaana lagu muujin doonaa sida reer Khaatumo uga soo horjeedaan wasiirada Caynabo booqday.

Dhanka kale waxaa la iclaamiyay shirwayne guud oo ay isugu yimaadaan dhammaan qaybaha kala duwan ee maamulka Khaatumo.

Madaxwaynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Gallaydh oo si xooggan u taageeray wasiirada booqday Caynabo ayaa waxa uu iminka wajahayaa caqabaddii iyo mucaaraddadii ugu xooganayd.

Comments are closed