Khilaaf salka ku haya Hal qodob oo kamid ah Dastuurka oo soo kala dhax galay Madaxweyne Xasan iyo Prof Jawaari
Muqdisho 07,Aug 2016 (SDN/QJ):- Warar Hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro Khilaaf dhanka Dastuurka ah oo soo kala dhax galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Khilaafka labadani Masuul ee dalka ugu sareeya ayaa salka ku haya qodob kamid ah Dastuurka dalka oo dhigaya Waqtiga Madaxweynaha hadii uu dhamaado Cida badaleysa, waxaana la isku hayaa in Madaxweynaha xilka Wareejiyo hadii la gaaro 10-September oo waqtigiisu ku egyahya.
Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo kulamo Hoose yeeshay ayaa isku afgaran waayay iskuna maan dhaafay Qodobkan Dsatuurka kamid ah ee dhigaya Marka Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaado in uu xilka la wareegayo siina heynayo Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Gudoomiye Jawaari ayaa ku doodaya hirgalinta Qodobka Dsatuuriga ee dhigaya in Madaxweynaha marka uuxilkiisa dhamaado uu meesha ka baxayo uuna, noqonayo shaqsi ka madax banaan Madxatooyada dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa ku andocoonaya in hadii Mudo kordhin ay jireyso uu isaga uu xilka sii heynayo ayna Dowlada dhan sii shaqeeneyso inta Dowlad cusub laga soo dhisayo oo badasha Dowlada hada jirta.
Dastuurka dalka Qodobka 91aad ,ayaa dhigaya Marka uu dhamaado xilka Madaxweynaha Soomaaliya uu xilkaasi la wareegayo siina heynayo Gudoomiyaha Baarlamaanka inta laga soo dooranayo Madaxweyne Cusub.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isagu doonaya in xilka uu sii hayo inta Madaxweyne kale laga soo dooranayo ama isaga uu mar kale soo laabanayo, waxa uuna Madaxweynaha ka cabsi qabaa hadii uu Madaxtooyada ka baxo in uusan mar kale kusoo laaban.
Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran oo wali kulan ku leh magaalada Muqdisho ayaan go’aan ka gaarin qodobkan dastuuriga ah ee dooda badan uu ka taagan yahay iyo qodobo kale oo la isku hayo, waxaana la filayaa in amrka Qodobadan laga heshiiyo Madasha ay soo saaraan War-Murtiyeed.