Cabdiweli Gaas oo ka dhawaajiyay in isku tashi dhaqaale oo Soomaalida dhexdeeda ah inan la fursan doonin si doorashada Somaliya loogu guulaysto
Muqdisho 07,Aug 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa sheegay in doorashada Soomaaliya uu ku baxayo dhaqaale aad u badan, dhaqaalahaasna loo baahan yahay in qaybna Soomaalidu isku tashato oo keento qaybna beesha caalamka laga codsado.
Madaxwaynaha oo waraysi siiyay VOA ayaa sheegay in doorashadan ay ka duwan tahay doorashooyinkii hore, maaddaama ergooyin badan ay dhammaan gobollada dalka ka shaqayn doonaan.
Dhanka kale wuxuu sheegay maaraynta hawlahaas baaxadda leh, iyo marti galinta ergooyika inay u baahan tahay kharash baaxad leh.
Wuxuu kaloo xusay in arimaha ammaanka sidoo kale ay dhaqaale badan u baahan tahay oo la rabo in la sugo xasilonida goobaha lagu shirayo.
Waxa uu soo jeediyay fikrad ah in maamul goboleedyada dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ay isku tashadaan kharashkana la yimadaan, wixii ka dhimanaada ha dhow saaxiibada caalamka waa la waydiin karaa ayuu yiri.