Donald Trump oo sheegay in Somalidu tahay argagixiso, lagana hor istaago Maraykanka Iyo Falcelinta Bulshada Soomaaliyeed DAAWO
Minnesota 07,Aug 2016 (SDN/QJ):- Musharaxa Khilaafka badan ee Maraykanka Donald Trump, ayaa sheegay in Qaxootiga Soomaalida ee soo gala dalka Maraykanka ay xiriir la leeyihiin argagixisada.
Asagoo ka hadlayay bannaanbax ka dhacayay gobolka Maine, halkaasoo ay joogto jaaliyad Soomaaliyed, ayaa xusay in Bulshada Soomaalida ee dalkan timid ay argagixisada xiriir la leedahay.
Sidoo kale wuxuu si guud uga hadlay arimaha Soomaaliya.
“ Waxaan aragnay danbiyo aad u badan oo dhacaya, bulshada gobolka Maine,in badan ayay ka hadlaan arimaha argagixisada ee Soomaalida qaxootiga ah” ayuu yiri Donald Trump.
Soomaalida ayuu ku sheegay inay ka yimaadaan mid kamid ah dalalka adduunka ugu khatarsan.
Waxa uu ku baaqay in qul qulka qaxootiga Soomaalidu kamid tahay dhaqso loo joojiyo.
Dhinaca Kale Soomaalida Portland, Maine ee dalka Mareykanka ayaa ka falceliyay hadalada Donald Trump ee ka dhanka ah Soomaalida Mareykanka.
Trump ayaa maalin ka hor weerar afka ah ku qaaday Soomaalida Mareykanka gaar ahaan Soomaalida Portland, Maine. Trump ayaa sheegay in Soomaalidu khatar ku yihiin Mareykanka dhaqaalihiisa iyo ammaankiisa.
Wuxuu sheegay in Soomaali badan oo qaxooti ah la keenay Portland, Maine asagoo sheegay halkaa in dadka ugu badan ay yihiin dadka caddaanka ah.
Wuxuu intaa ku daray in Soomaalidu ka yimaadaan meel ka mid ah meelaha ugu khatarta badan caalamka oo uu ula jeeday Soomaaliya!
Wuxuu kaloo sheegay in keenitaanka Soomaali aad u badan gudaha Mareykanka ay keeneyso cawaaqib aan lasii saadaalin karayn.
Hadaladiisa ayaa waxaa ka dhiidhiyay Soomaalida Mareykanka gaar ahaan Soomaalida daggan Portland, Maine maadaama hadaladiisaa ay kuyihiin dadaaladooda dhaqaale liddi iyo wax aanan loo dul qaadan karayn.
Waxaa kunool Portland iyo Lewiston Soomaali tiradoodu gaareyso 10 kun. Soomaalida Mareykanka ayaa hadaladiisa cambaareeyay ayagoo ku tilmaamay been iyo waxba kama jiraan.
Magaalada Portland ayaa aad uga faaiiday muhaajiriinta gaar ahaan Soomaalida oo ah dad aad u dadaal badan oo dhaqaalaha wax kusoo kordhiyay.
Kasokow Minneapolis iyo Minnesota oo Soomaalidu aad ugu badan yihiin iyo weliba meelo kale oo Mareykanka ah, tan iyo sagaashameeyadii ayaa Soomaalidu qaarba mar imaanayeen Portland.
Soomaalida iyo muhaajiriin kale ayaa haatan aad wax uga barta halkaa sidoo kalena ku leh ganacsiyo.