|

DAAWO: Sheekh Aadan-Siiro Oo Ka Hadlay Shir Lid Ku Ah Qarannimada Somaliland Oo Hargeysa Lagu Qabtay

Hargaysa 06.July 2016 (SDN/QJ):-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddiisii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Hay’ad ka mid ah Kuwa Qaramada Midoobay oo la sheegay inay Dhawaan Magaalada Hargeysa ku qabatay Kulan Lid ku ah Qaranimada Somaliland.

ADAN-SIIRO-TNNSheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu ku baaqay in laga qayb-qaato dib u dhis lagu samaynayo Masaajidka Imaamu Shaafici oo ku yaalla Xaafadda Xawaadle ee Degmada 26-ka June ee Magaalada Hargeysa, “Masaajidka Imaamu Shaafici (ee Xaafadda Xawaadle) Dadkii wuu ku yaraaday oo waalla dumiyey, waxaana la diyaariyey Nashqadda cusub ee loo dhisi doono. Sidaa daraadeed waxaan ka hadlayaa kaalinta uu Masaajidku ugu jiro Islaamka iyo sida Rasuulku (CSW) uga dhigay Masjidka Taliska Muslimiinta, marka uu doonayo inuu Muslimiinta ku jiheeyo Cilmiga, oo uu ku jiheeyo barashada Cilmiga iyo Horumarka Bulshada nooca uu doonaba ha haadee. Islaamku wuxuu sameeyay Meel la iskugu yimaaddo oo Nolosha Qofka Muslimka ah laga aasaaso, Halkaasina waa Masaajidka.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Markii Makka laga soo saaray Halkuu degay Nebigu (CSW) ? Rasuulku wuxuu yidhi Meesha ugu horeysa ee aan degayo Masaajid baan ka bilaabayaa ee I tusa, markaas ayuu Rasuulku aasaasay Masaajidka Quba oo ah Masaajidkii u horeeyay ee Alle Alle ka Cabsi dartii loo aasaasay sida uu ILAAHAY Qur’aanka ku sheegay. Rasuulku (CSW) isagaa qaaday Dhagaxii iyo Qorigii u horeeyay ee lagu dhisayey Masaajidka.

Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu ka hadlay dhismaha Masaajidka Imaamu Shaafici, “Dhismaha Masaajidka Imaamu Shaafici waxa lagu qandaraasay 170,000 doollar, waxa Culimadu isku ururiyeen 70,000 doollar oo 50,000 oo ka mid ah uu bixiyey Cabdillaahi Xaaji Xirsi ILAAHAY Tijaaradda haku barakeeyee.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo sharraxaya sida ugu fudud ee Dadku kaga qayb-qaadan karaan Dhismaha Masjidka, “1000 Qof oo min Boqol dollar ahi waa boqol kun oo dollar waana inta la innaga doonayo, haddii la garan waayo waa shan kun oo qof oo min Labaatan dollar bixiya ama toban kun oo qof oo min 10 doollar bixiya waxaynu doonaynaa. Labada Kun ee ugu horeeya Jeebbadayada ayaanu ka bixinaynaa, Annaga oo u niyoonayna Waalidkayagii na soo barbaariyey. “ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay Hay’ad ka mid ah kuwa Qaramada Midoobay oo uu sheegay inay Hargeysa ku qabatay Siminaar lid ku ah Qaranimada Somaliland, “Hay’aduhu waxay ina yidhaahdeen waxaanu idiin qaybinaynaa Koondhammo si aad iskaga ilaalisaan Xanuunka AYDHISKA, waxaana Madaarrada laga soo dejiyaa intaas oo Kartoon oo Kondhommo ah oo innagu qoran oo Hargeysa yaalla. Waxay keeneen inay Toban toban kun oo dollar Mashaariicda ku siiyaan Kuwa Nolosha ka dhacay oo ay ka keeneen Kenya, iyadoo ay joogaan Dhallinyaradeennii Aqoonta lahaa, laakiin Maanta waa Alamtarana soo Dhaaf, waxay keeneen inay Hargeysa Badhtankeeda ku qabtaan Siminaar, iyagoo leh waxaad tihiin Gobolka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya, iyada oo ay Hargeysa joogaan intii lugo-beeshay iyo intii doorashada u tartamaysay.”

Sheekhu wuxuu tilmaamay in Xukuumadda looga baahan yahay inay wax ka qabato Hay’adaha ku xad-gudbaya Qarannimada Somaliland, “Iyaga oo aan ogoleyn (Hay’aduhu) Calankaa Tawxiidku ku yaalla iyo jiritaanka Somaliland, haddana ilaa hadda waxba lagama qabanin (Hay’addaa) innagoo og Awoodda Dawladnimada iyo inta Ciidan joogta, sidaa daraadeed, Xukuumadda waxaanu leenahay Dawladnimada Somaliland iyo Nabadgalyada ha laga ilaaliyo kuwaa Duminaya, ama Hay’ad ha ahaato ama Nimankaa Siminaarrada khaldan qabanaya ha ahaatee..”

Comments are closed