|

Madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni oo Raacdo Ugu Jira Sidii uu waddankaas u sii Maamuli lahaa Inta Noloshiisa ka hadhay Warbixin

Kampala 05.July 2016 (SDN/QJ):- Sheeko yaab leh ayaa ka socota dailka Uganda oo ay wadaan xisbigta talada haya oo ay rabaan inay Yuweri Musafeni ugu suurto galinayaan inu waddankaasi waligiis xukumo mar kalana sharaxaan.
Musaveni oo waddanka xoog ku qabsaday 1986-dii ayaa waqtigiisa doorashada dhacayaa sanadka 2021.

president-yoweri-museveni-of-uganda2Musaveni wuxuu kaloo jirayaa sanad kadib 72 sano, dastuurkana uma ogolaanayo da’adaasi wixii ka danbeeya inuu isi sii sharaxo.
Hayeeshee waxaa la doonayaa in laga saaro dastuurka qodobka da’ada kusaabsan , taasoo ka dhigaysa madaxwayne awood u yeesha mid waligii xukuma dalka.
Xisbiga talada haya ayaa aqlabiyad xooggan ku leh baarlamaanka, mana suurtoobayso arin la hor keenay oo Musaveni kusaabsan oo guul daraysanaysa.
Sanadkii 2005 ayay baarlamaanka ka saareen dastuurka qodobkii xaddidayay waqtiga is sharixidda ayagoo ku macneeyay inuu Musaveni nin la jecel yahay yahay oo ay waajib tahay in la doorto.
Markii uu xilka qabanayay 1986 waxaa laga hayaa inuu neceb yahay madaxda Afrikaanka ee xilka iska haysta.
Musaveni wuxuu heshiis dhow kula jiraa Maraykanka, marka ay timaaddo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee Soomaaliya kajira.

Comments are closed