|

Shir Magaca Somaliland Bah-dilaad ku ah oo Hay’ada Qaramada Midoobay ee Unicef Hargaysa ku Qabatay iyo Mas’uuliyiin ka dareeray

Hargaysa 05.July 2016 (SDN/QJ):- Shir saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey ka socday Huteel Ambasaddor ee Caasimadda Hargeysa oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF xafiiskeeda Somalia/Somaliland ayaa waxa uu dhaawac weyn soo gaadhsiiyey qaddiyadda Madax Bannaanida Somaliland kadib markii si weyn loogu bah-dilay shirkaasi meeqaamkii Somaliland, kana dhigay maamul goboleed Soomaaliya ka mid ah.

Shirkan oo ku aaddanaa Mashruuca loo yaqaano WASH oo saameeya dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka iyo Nadaafadda Biyaha ayaa waxa hay’adda UNICEF ay si rasmi ah shirkan ugu qabatay Gobolada dalkaasi Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland oo ay si badheedh ah ugu soo casuumeen in ay kaga qayb gasho gobol Soomaaliya ka mid ah iyada oo ay shirka soo cammireen xubno ka kala socda Gobolada dalkaasi Soomaaliya oo ku kala abtirsada saddexdaa eeriyo ee mashruucani ku saabsanaa.

Sida Wargeyska FOORE ku helay xogo shirkan ku saabsan waxa dhacday in maalintii shirkaasi furmay oo ahayd dorraad Salaasadii, markii la xaadirinayay ka qayb galayaasha in qaddar is af garan waa ahi ka dhacay kadib markii masuuliyiin ka socday Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolada dalka laga hor joogsaday in ay shirkaasi ka qayb galaan iyada oo saraakiisha shirka wadday ee UNICEF ku war geliyeen in shirka ay fadhiyaan dad wasaaradda waxbarashada ka socda oo Hargeysa ka soo galay sidaa darteed ay Somaliland iyagu matalayaan oo ay u qaateen gobol ahaan Woqooyi Galbeed wixii loo yaqaanay taasoo keentay in ka qayb galayaashaasi waxbarashada ka socday isaga soo dareeraan shirkii dacwadna u gudbiyeen Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, balse ay shirkaasi fadhiyeen xubno ka socday wasaaradaha Caafimaadka iyo Biyuhu.

Illaa imika xukuumaddu wax tallaabo ah kama ay qaadin shirkaasi oo sidiisii caadiga ahayd isaga socday wakhtigii loogu tala galay lana filayo in uu maanta soo gabagaboobo.

Inkasta oo intii ay Somaliland jirtay mashaariicda Hay’adaha qaramada Midoobay ee ku aaddan wixii la isku odhan jiray Soomaaliya ahaa mid lagu saleeyo saddexda qaybood ee kala ah Somaliland, Puntland iyo Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya (South and Central), haddana kani waxa uu u muuqday mid wakhtigan si wanaagsan ula jaanqaadaya hannaanka ay u shaqayso ama ay Somaliland ku sheegato maamulka Magaalada Muqdisho wakhti dalkaasi Soomaaliya uu shalay oo ugu dambaysay ka hadlayay in Somaliland ka mid tahay golayaasha ay dhisanayaan.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa tan iyo markii ay talada dalka timid waxa si weyn hoos ugu dhacay meeqaankii kala xaddaysnaa ee ay Somaliland kaga xuub siibatay sheegashada dalkaasi Soomaaliya kadib wada hadaladii ay la furtay oo keenay doc faruur yasid ah oo dhinacyo badan ka dhaawacaya qaddiyadda dalka. Xukuumadda Somaliland waxa looga fadhiyaa in ay caddayso shirkan Hay;adda UNICEF ku qabatay caasimadda Hargeysa ee sida weyn uga soo hor jeeday qaddiyadda Somaliland iyada oo aan la ogayn sababta keentay in dadkii laga soo casuumay wasaaradaha Somaliland qaarna dhex fadhiyeen shirkaasi qaar kalena ka soo yaaceen.

Qaar ka mid ah xafiiska UNICEF ee Hargeysa oo aannu xalay khadka taleefanka kula xidhiidhnay ayaa noo sheegay in uu shirkaasi jiray balse aanay iyagu shuqul ku lahayn, kana gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan, sidoo kalena ka gaabsaday in ay na siiyaan taleefanada ciddii hawshaasi u qaabilsanayd oo aanu doonaynay in aannu wax ka waydiino arrinka shirkan.

Comments are closed