|

Maleeshiyaad Tiro Badan oo Ka soo goostay Kooxda Nabadiidka Cali Khaliif Galaydh Iskuna Soo dhiibay Ciidamada Qaranka Somaliland & Wada hadal Maanta ka Furmaya Magaalada Caynaba

Caynaba, 5 August, 2016-(SDN/QJ): – Wararka ka imanaya deegaanka degmada Caynaba ee Gobolka Saraar ayaa sheegaya in ciidan tiro badan iyo gadiid dagaal oo kasoo goostay kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo ay xalay dhawayd isku soo dhiibeen ciidamada qaranka Somaliland.

 

Waxaana ciidanka iyo gaadiidkan dagaal ee kasoo goostay kooxda nabad diidka ah ee uu hor-joogaha u yahay Cali Khaliif Galaydh naloo sheegay in ciidamada qaranka Somaliland iyo masuuliyiinta dawlada Somaliland kamid ahi ay goordhaw kusoo dhawaynayaan magaalada caynaba ee xarunta gobolka saraar iyaga oo u diyaariyay sida naloo sheegay munaasibad soo dhawayn ah.

Ilaa hadda ma cadda sababta ay ciidankan iyo gadiidka dagaalku ay uga soo goosteen kooxdaasi uu hogaamiyo Cali Khaliif Galaydh balse sababta, tirada ciidanka soo goostey iyo saraakiisha hogaaminaysaba.

Wefti Ka Socda Kooxda Khaatumo Oo Magaalada Caynaba U Jooga Wada-hadallo Toos Ah Oo U Bilaabmaya Dawladda Somaliland.

Dhinaca kale Jimcaha Maanta Waxaa Magaalada Caynabo Safar Ku Tagaya Wasiirro Ka Socda Xukuumadda oo La Kulmaya Weftiga Ka Socda Khaatumo Oo Xalay Ku Sugan Degmada Caynaba Ee Gobolka Saraar.

Weftiga Khaatumo Ka Socda, Ayaa Kala Ah Sidan:-

1. Wasiirka Amniga Khaatumo Kayse Cabdi Yuusuf Oo Hore Uga Goostay Somaliland.
2. Wasiirka Arrimaha Dibadda Khaatumo Maxamuud Ismaaciil Shabbac.
3. Yaasuub Axmed Sulub Oo Hore Wasiir Uga Soo Noqday Khaatumo.
4. Xariir Aw Cali Oo Xildhibaan Hore ah.
5. Caaqil Axmed Xasan Xaaji Cumar
6. Bashiir Mahdi oo k amid ah Qurba-joogga Taageerta Khaatumo.

Comments are closed