|

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Kaalmo Gaadhsiiyey Walaal ku dhiban Burco

Burco,2,8,2016 (QJ/SDN) – Wasirka arrimaha gudaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa ayaa waxa uu deeq lacageed oo gaadhaysa 1000-dollar gaadhsiiyay nin xanuunka dhimirka qabay muddo ku dhow 25-sanno oo ku nool magaalada Burco.

Ninkan xanuunka dhimirka qaba oo xaaladdiisa uu soo bandhigay wariye CabdiMaalik Muuse Coldoon ayaa waxa go’day mid ka mid ah lugihiisa kaddib markii uu muddo ku xidhnaa sil-silad.

Wasiir Odowaa oo lasoo xidhiidhay wariye Coldoon ayaa waxa uu u sheegay in uu xaaladda Ninkan uu ka gam’I waayay isla markaana aanu intaas kaga hadhayn ee uu kasii qayb-qaadan doono waxkasta oo loo qabanayo.

Comments are closed