|

Xildhibaan Rayte oo Sheegay Heshiis Afar Dillaal Dekedda Berbera ku wareejinayaan inaan loo baahnayn DAAWO

Hargaysa 02.Aug 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doortay gobolka Sanaag, ayaa shaaca ka qaaday in madmadaw badani ku jiro Heshiiska wareejinta Dekedda Berbera ee Xukuumadda Somaliland la gashay Shirkadda Dubai Ports World, isla markaana waxa uu sheegay in Xukuumaddu qarinayso wax badan oo ku jira Heshiiskaas oo uu xusay inaanay dani ugu jirin dalka iyo dadka Somaliland oo ay Koox yari la dhuumanayso sida uu sheegay.

 

Waxa uu Xildhibaan Rayte sidaa ku sheegay mar uu Saxaafadda qaarkeed kula hadlayey xarunta Baarlamaanka Somaliland ee Hargeysa, waxaanu yidhi; “Wax badan halla kala saaro, dalku maal-gashi buu u baahan yahay, Dekeddu maalgashi bay u baahan tahay, inaynu maalgashiga soo jiidanno ayaynu u baahannay, laakiin maalgashigu nidaam buu leeyahay, Shuruuc buu leeyahay, siyaasad buu leeyahay. Waxaa loo baahan yahay Dekedda heshiiska lala galayaa inuu noqdo heshiis la hubiyey inuu Qaranka u dan yahay, heshiis cad oo furan oo cid waliba ku qanci karto oo arki karto waxani wixii aynu u baahnayn inuu yahay.”

 

Waxaannu Waraysiga uu bixiyey Xildhibaan Rayte idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed