Madax-dhaqameedka Saaxil oo si adag uga hadlay Is-hortaagga Xukuumadda ee Shirka Baxarasaafka DAAWO
Hargaysa 02.Aug 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka tirsan Salaaddiinta, Cuqaasha iyo Odayaasha reer Saaxil, ayaa sheegay inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xoog isku hor-taagtay Shir Beesha Ciise Muuse uga furmi lahaa deegaanka Baxara-saafka oo ka tirsan degmada Laas-geel ee gobolka Maroodi-jeex, isla markaana ay ka been-sheegtay ujeeddada Shirkaas oo ay ku tilmaantay mid dowladnimada lid ku ah.
Shir Jaraa’id oo ay Madax-dhaqameedka iyo Odayaasha Ciise Muuse qaarkood ku qabteen magaalada Hargeysa, ayay sidaa ku sheegeen, waxaanay sheegeen inaanu baaqan doonin ee ay qabsanayaan Shirkaas oo ay doonayso inay Xukuumaddu weji kale u yeesho, balse wax uu kaga duwan yahay Shirarka Beelaha kale qabsanayaan ee ay Masuuliyiinteedu ka qaybgalayso, isla markaana aan cabbudhin iyo caga-juglayn wax lagaga qaadayo Beel ahaan aanay jirin.