Kaneeco Ku Tarantay Biyaha Roobka Ee Jidadka Burbursan Iyo Guryaha Hortooda Fadhiista Oo Faro-baas Ku Haysa Shacabka Caasimadda Hargeysa
Hargeysa 02.Aug 2016 (SDN/QJ):- Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Hargeysa, ayaa ka cabanaya dhibaato ay sheegeen inay ku qabaan Kaneecada oo tan iyo markii Roobabku bilowdeen sii badanaysa.
Kaneecada oo Qaniinyadeedu sababto Xanuunka loo yaqaanno “Mallaariya”, ayaa korodhkeedu la bilowday Roobabka ka da’ Magaalada Hargeysa iyo Guud ahaan Somaliland, waxayna taasi sababtay in Guri kasta laga dareemo dhibaatadeeda.
Dadweynaha oo qaarkood u warramay Wargeyska Himilo, ayaa sheegay inay adag tahay in la seexdo Guriga aanay ku xidhnayn Marada laga hoos-galo ee loo yaqaanno “Maro-kaneecada”
Axmed Cabdiraxmaan oo ka mid ah Dadka ku dhaqan Caasimadda Hargeysa oo ka hadlay dhibaatada ay ku hayso Kaneecadu, ayaa yidhi, “Kaneecadu awalba way jirtay, laakiin tan iyo markii Roobabku bilowdeen aad bay u soo badatay, waxayna mareysaa in aanad xitaa Xafiiska shaqada fadhiyi karin, adigoo Marawaxadda shita mooyaane.”
Muwaadinkan oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamay inuu u maleynayo in Kaneecadan badatay ka dhalaneyso Biyaha Roobabka ee fadhiista Guryaha Hortooda iyo Jidadka Caasimadda ee badankoodu leh Goo’go’a.
Yoonis Maxamed, ayaa isaguna Wargeyska Himilo u sheegay in Kaneecadu u diidday inuu Habeenkii ku caweeyo Kaabadda dibadda ee Gurigiisa, maaddaama Kaneecada oo ka mid ah Xasharaadka ku tarma Biyuhu si muuqata u qaniinayso.
“Habeenkii Markaad doonayso inaad Guriga wax ku dhex Akhrisato, waa inaad Buste ama Shay kale isku wada qarisaa ama aad Maro-kaneecada kuu xidhan Hoosta ka gashaa, haddii kale naftay kaa qaadeysaa Kaneecadu.” Ayuu yidhi, Yoonis Maxamed oo ka mid ah Muwaadiniinta ka hadlay dhibaatada Kaneecada Roobabka ku tarantay ku hayso Bulshada Caasimadda.
Guryaha Magaalada Hargeysa badankooda iyo Waddooyinka Goo’go’a leh, ayaa mar kasta oo Roob da’o waxa hortiisa buuxiya Biyo waayay meel ay maraan.
Dadweynaha la hadlay Wargeyska Himilo, ayaa Dawladda Hoose ee Hargeysa u soo jeediyey inay Masuuliyad iska saaraan sidii ay Xaafadaha Magaalada uga nidaamin lahaayeen Godadka iyo jeex-jeexyada hakiya Biyaha Roobka, maaddaama oo Biyaha muddada dheer guryaha hor-fadhiya ay kala dhalaan karaan Xanuuno uu ka mid yahay ka qaniinyada kaneecada ka dhasha.