|

Nin jira 120 sano oo aan cimirgiis madax xanuun ku dhicin oo markii ugu horaysay Isbitaal la geeyay,kadib maxaa dhacay?

India 01,Aug 2016 – (SDN/QJ): –Nin u dhashay dalka India oo da’diisu gaarayso 120 sano ayaa markiisii ugu horaysay cimirigiisa booqday isbitaal. Waxaana la sheegay inuusan waligii xanuunsan.

Ninkan oo lagu magacaabo  Swami Sivananda markii uu dhashay wali xataa lama allifin raajada.

old-man-360x200Swami Sivananda  markii ibsitaalka la geeyay oo caafimaadkiisa la baaray waxaa la ogaaday inuusan waxba qabin kaliya dhiiggiisu uu  xoogaa yar kacsanaa.

Mar la waydiiyay waxa uu cuni jiray noloshiisa wuxuu sheegay inuu ku noolaa basbaaska cagaaran oo la shiiday, cunto uumitaateeyay, iyo jimicsi joogto ah.

Baasaboorka Swami ayaa sheegaya inuu jiro 120 sano, hayeeshee da’adiisa waxay u egtahay inuu 50 sano ka yar yahay inta uu sheegtay, maxaa yeelay waxaa ka muuqda caafimaad.

Dadka caafimadka ka shaqeeya ayaa waxaa kasoo haray indho kala qaad kadib markii ay la yaabeen sida odaygan uu wali u dhisan yahay.

Waxa uu dhashay  August 8, 1896, wuxuuna ku dhashay tuulo lagu magacabo Behala.

Ninkan wuxuu 5 sano kasii wayn yahay ninka haysta rikoorka qofka ugu da’weyn caalamka oo ah nin u dhashay Japan oo lagu magacaabo Jiroemon Kimaru.

Wadnihiisa waxaa la sheegay inuu caafimaad fiican qabo. Wuxuu ogolaaday inuu daawada dhiig karka qaato , balse wuxuu codsaday in 5 maalmood loo sugo si uu asagoon daawo isticmaalin u dhimo dhiiga kacsan.

Comments are closed