Suldaan Reer Berbera Ah Oo La Xidhay Iyo Ciidanka Booliska Oo Sharaxay Kiiska Lagu Haysto DAAWO
Hargaysa 29.July 2016 (SDN/QJ):- Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa shalay suuqa Hargeysa ka qabtay Suldaan Saleebaan Maxamuud, oo ka soo jeeda deegaanka Gobolka Saaxil.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Gaashaanle sare Faysal Xiis, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay xadhiga Suldaanka iyo nooca kiisa lagu haysataba.
“Waxaanu idiinku yeedhnay inaanu idiin sheegno in ciidanka Boolisku ay maanta soo xidhiidheen Suldaan Saleebaan Maxamuud oo 50 jir ah. Suldaankan waxa lagu eedaynayaa inuu abaabulayay kicin iyo falal nabad-gelyadda khatar ku ah,”ayuu yidhi Afhayeenka ciidanka Boolisku.
“Waxa ciidanka boolisku soo qabteen isagoo dambi faraha kula jira,”ayuu hadalkiisa ku takiidiyay Gaashaanle sare Faysal Xiis.
Afhayeenka Boolisku waxa uu ku dooday in suldaankani markii ay qabanayeen uu sameeyay isku hor taag. “Suldaankaasi markii ciidanka Boolisku soo qabanayeen waxa uu kala hor yimid iska hor taag. Nasiib wanaag si nabad-gelyo ah ayaa lagu soo qabtay.”
“Suldaankan kiiskiisa waa la baadhayaa wixii ka soo baxana waanu sheegi doonaa. Dambiga ugu weyn ee lagu haystaana waa inuu kicin iyo abaabul ammaanka lidi ku ah uu ku kacay,”ayuu yidhi Faysal Xiis, waxase uu intaas ku daray in si deg-deg ah loo horgeyn doono maxkamadda.
Mar uu Afhayeenku ka hadlayay xadhiga Suldaan Saleebaan Maxamuud waxa uu ku tilmaamay in sifo sharci ah lagu xidhay wakhti uu gacanta kula jiray fal-dambiyeed, hase yeeshee sarkaalkaasi ma uu caraabin nooca fal-dambiyeedka uu gacanta kula jiray.
Warar xog xogaal ah ayaa Sheegay in xadhiga suldaankani la xidhiidho xukunkii dilka ahaa ee Axaddii toddobaadkan ay maxkamadda ciidammadda qalabka sidaa ku riday sideed nin oo qaar maqan yihiin oo ay sheegtay inay ku heshay dilkii Taliyihii hore ee qeybta Booliska Saaxil Gaashaanle Casayr oo Bishii March lagu dilay Barriga gobolka Saaxil.