Xukuumadda oo Ku Guul daraysatay inay Deegaanka Dhahar ee Bariga Sanaag Gayso Agabkii Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo Culaysyo la Saaray Mas’uul Deegaankaasi ka soo Jeeda
Hargaysa 29.July 2016 (SDN/QJ):- Inkasta oo ay Xukuumadda Somaliland dhoolatus dhinaca Milatariga ah dhawaan ka samaysay Deegaanka Dhahar ee Bariga Gobolka Sanaag oo ay Farogalin Joogta ah ku hayso Puntland, hadana waxaa isa soo taraya in Deegaankaasi markii dambe uu gacanta Somaliland ka baxay islamarkaana la gayn kari waaya Qalabkii Diwaangalinta,oo sidaasi Dhahar kaga hadhay Diwaangalinta ka socota Gobolkaasi Sanaag.
Warar Madax Banaan Oo Wargeyska Foore ka helay dad ku sugan Magaaladda Dhahar ee Bariga Gobolka Sanaag ayaa waxa ay noo xaqiijiyeen inaanay ka soconin Wax diwaangalin ahi islamarkaana waxa ay noo sheegeen in Somaliland ay gabi ahaanba ciidankii u joogay halkaasi ay ka soo saartay Magaaladda Dhahar iyo Agagaarkeeda,islamarkaana aanay hadda Magaaladda Dhahari gacanta ugu jirin Puntland Iyo Somaliland midna.
Waxa ay noo sheegeen inay Somaliland-na dib uga soo guratay kadib dagaalkii ka dhacay halkaasi islamarkaana ay Puntland-na dib uga guratay oo aanay labada midkoodna hadda ku sugnayn Dhahar,waxa ay sidoo kale sheegeen inay Dawlada Somaliland tahli wayday inay Diwaangalinta ka socota Gobolka Sanaag intiisa kale ay soo gaadhsiiso Dhahar taasina ay u egtahay inay ka Cabsi qabto dhinaca Amniga iyo inay Puntland Weerar Aargoosi ah soo qaado.
Warar kale ayaa sheegaya inay Madaxtooyadda Somaliland culays badan saartay Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga Somaliland Md Cali Faarax Jaamac(Cali Buureed) oo isagu ka soo jeeda Deegaanka Dhahar ee ay Xukuumaddu madaxa galin kari wayday,waxaana la sheegay in si weyn loogu canaantay Kalsooni la’aanta Wasiirka ka haysata Deegaanka uu ka soo jeedo ee uu Wasiirka u yahay,waxaanay arintani sida la sheegay ay soo baxday kadib markii uu wasiirku Dhawaan safar u raacay Xukuumadda Deegaanka Dhahar islamarkaana uu ka ciyaari kari waayay Doorkii laga rabay. Wararkan ayaa sheegaya in Wasiirka iyo Waftiga Xukuumaddu ay kalalumeen oo ay mudo israadcaynayeen intii ay ku sugnaayeen Halkaasi,iyadoo la sheegay inay Xukuumaddu dareentay inuu Wasiirku ka waji dadbayay maalintaasi inuu si dhab ah Somaliland ugala shaqeeyo dejinta iyo soo gacan galinta Deegaanka Dhahar oo ay Maalmahaasi si weyn ugu loolameen Somaliland iyo Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Warar kale ayaa sheegaya inay Wasiir Cali Buureed ay soo waajahday Xaalad Laba daran mid dooro ahi,Waxa uu dhawaan u raray Qoyskiisii iyo Caruurtiisii Magaaladda Garowe ee Xarunta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland,waxaana la sheegay inay arintaasi caqabad gaar ah ku noqotay,iyo inuu door muuqda oo firfircoon ka ciyaaro Dhahar.
Wasiir Cali Jaamac Buureed oo aanu la xidhiidhnay si aanu arintani wax uga waydiino ayaanay noo suurtagalin inaanu Teleefan ku helno,kadib markii uu naga qaban waayay Telefankiisa Gacanta.