|

Xaalad Jahawareer Ah Oo Ka Taagan Gobolka Saaxil Iyo Xukuumadda Oo Miciinsanaysa Xadhig, Cago-Juglayn Iyo Daba Gal Lagu Hayo Dadka

Berbera 29.July 2016 (SDN/QJ):- Ciidamada Booliska Magaalada Berbera oo kaashanaya kuwa milatariga ayaa daafaha magaalada Berbera iyo magaalada dhexdeedaba ka xidhixidhaya cid kasta oo gaadhigiisa ama gacantiisa lagu arko sawir (Steaker) ah ee lagu shaacinayo shirka la sheegay inuu Beelaha Gobolka Saaxil uga furmi doona bisha dabayaaqadeeda Deegaanka Baxafarasaafka oo katirsan degmada Laasgeel (Dacarbudhuq) kagana beegan dhinaca waqooyi.

Shirka-baxara-saafka1Sida qaar ka mid ah warbaahinta Gobolka Saaxil baahiyeen shalay Waxaa ilaa hadda Sal-dhiga dhexe ee Berbera ku xidhan gaadiid iyo dad dhallinyaro u badan iyo dadkii watay kuwaas oo loo haysto sawirka boodhadhka yaryar ee qoraalka ah ee shirkaasi loo sameeyey oo lagu haysto maxaad baabuurtiina ugu dhajiseen, waxaanay wariyayaal Berbera ku sugani xuseen nin ay indhahooda ku arkeen Ciidamada oo gawaadhida magaalada Berbera maraysa indhaha la raacayay kana eegaya inuu sawirkaasi shirka baxarasaafku ku dhagsan yahay, haddii ay ku arkaana ka fujinaya qofka gaadhiga wata ama sawirka sitana ka qaadaya oo xidhaya.

Ilaa hadda Ciidamada amaanka iyo Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Saaxil iyo ka Degmada Berbera toona kamay hadlin sababta ay ciidamadu sidan u yeeleen iyo sababta keentay in dadka si gaar ah loo bartilmaameedsanayo gaar ahaan kuwa sita sawirada shirkaasi, iyada oo la ogsoon yahay in xukuumadda Somaliland si adag uga soo hor jeeddo qabanqaabada iyo qabashada shirkaasi oo ay u aragto in lagaga soo horjeedo danaha ay leedahay sida hir gelinta mashruuca dekedda Berbera lagu wareejinayo.

Illaa hadda tiro koob rasmi ah laguma hayo warbaahintana uma ay suurto galin in ay helaan tirade rasmiga ah ee dadka iyo gaadiidka la qabqabtay loona qabqabtay Sababta sawirkaas iyo in dadkaasi lasii hayn doono iyo in la siidayn doono, waxaanay wararka Gobolka Saaxil naga soo gaadhayaa sheegayaan in amarka lagu dabar jarayo sawirrada shirkaasi iyo cidda sidataba uu ka soo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland oo la sheegay in aanu gabi ahaanba ogolayn in shirkaasi u qabsoomo odayaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda Gobolka Saaxil.

Dhinaca kale guddida qabanqaabada shirka Baxarasaafka ayaa la sheegay in ay si habsami leh u wataan qabanqaabada shirkaasi oo la doonayo in uu dhawaan halkaasi ka qabsoomo balse xukuumaddu aad uga soo horjeeddo.

Comments are closed