Dhakhtar U Dhashay Ciraaq Oo Ka Sheekeeyay Amar Uu Saddaam Xuseen Siiyey Oo Uu Diidday
Hargaysa 29.July 2016 (SDN/QJ):- Isaga oo ka sheekaynayaa nolasha uu soo maray ayaa waxa uu ku bilaabay warbixin uu siiyay wargeyska Dailly express:-
Magacaygu waa Dr Munjid Al Mudaris waxaanan ahay dhakhtar daaweya lafaha isla-markaana waxa aan ka mid ahay khuburada ugu waawayn ee adduunka ee rakiba lafaha sinaaciga ah. Runtii waxa aan soo maray dhib aad u fara badan balse Maanta waxa aan gaadhay heer aan hiigsan jiray waana ilaahay mahaddii.
Waxa aan soo maray dhib aad u fara badan markii dalka aan u dhashay uu ka talinayay Saddaam Xuseen ka hor intii aanan ka soo bixin dalka aan u dhashay ee Ciraaq waxaan isku qariyay suuliga dhakhtarka aan ka shaqaynayay waxa anaan ku jiray muddo shan saacadood ah si aan gacanta la iigu dhigin, kadib markii aan diiday amar uu soo jeediyay Madaxwayne Sadaam, amarkaas oo ahaa inaan dhagaha ka jiro dadkii diiday tababarkii Milatari ee lagu amari jiray dadka u dhashay dalka Ciraaq .
Waxa aanan la kulmay hanjabaado fara badan kadib markii aan diiday inaan fuliyo amarkii uu soo jeediyay Madaxwayne Saddaam waxa aaanan u soo kicitimay dalka Australia oo aan ku noqday qaxooti kadib waxa gacanta igu dhigay ciidanka dalka Australia maaddaama oo aanan sifo sharci ah ku soo galin dalka, waxaanan ku noola xeryaha qoxotiga muddo toban bilood ah, balse markii danbe waxa ay ii ogolaadeen ciidamada dalkaasi inaan dego dalka isla-markaana aan ka shaqaysto.