Ma Jiraa Xidhiidh Ka Dhexeeya Dagaallada Iyo Isbeddelka Cimilada ?
Hargaysa 29.July 2016 (SDN/QJ):- Culimada cimilada ayaa waxa ay dhawaan soo saareen daraasad cusub oo ay sabab uga dhigeen in isbeddelka cimilada ee ka jira Adduunku uu sabab u yahay dagaalada ka jira dalal badan oo Adduunka ka mida gaar ahaan bariga dhexe iyo Aasiyada dhexe.
Prof Karl Sasblostar oo ka socday Machad ka mid macaahidda cilmiga Cimilada ee Dalka Jarmalka isla-markaana horkacayey Daraasaddan Aqoonyahannada Sameeyay, ayaa sheegay in Daraasaddooda ku ogaadeen in isbeddelka Cimilada Adduunka ku yimid iyo Dagaalada meelo dunida ka mid ah ka socda xidhiidh leeyihiin.
Daraasadda ayaa sheegaysa in Masiibooyinka ka dhasha Isbeddelka Cimiladu saameeyeen Hab nololeedkii Ummadaha Adduunka ku nool, taasi oo kelifaysa colaadaha Maanta ka taagan Adduunka badankiisa.
Culimadu waxa ay awoodda saareen arrin aad u muhiim ah, taasi oo ah imisa Sannadood baa ka soo wareegay isbeddelka ku dhacay Cimilada Dalalka Daraasadda lagu sameeyay, imisaase ka soo wareegay Wakhtiga Dagaaladu ka dhaceen?. Culimadu waxay sheegeen inay daraasaddan ka heleen in 10% ka mid ah Dagaallada ka dhacay Dalalka daraasadda lagu sameeyay ay xidhiidh la lahaayeen Isbeddelka Cimilada.
Waxa kale oo lagu sheegay Daraasadda in Isbeddelka Cimiladu waxa keliya ee uu sababay aanay ahayn Dagaal hubaysan, laakiin ay jiraan dhibaatooyin ka dhasha isbeddelada Siyaasadeed ee Dalalka Adduunka, kuwaasi oo badankoodu ka fikiraya ama Saadaalinaya deegaanno nolol ahaan Dadkooda u wanaagsan, taasina keento in Dawladaha Awoodda lihi faro-gelin siyaasadeed ku sameeyaan Dalalka Nolol ahaan ka deggan kuwooda, waxayna Culimadu sheegayaan in boqolkiiba 23% Dawladaha qaarkood isbeddel ku sameeyeen Siyaasadahooda dibadda.