|

Guriga uu Muqdisho ka Degan Yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Federaalka oo Dab Xoogani ka Kacay Xalay

Muqdisho 28.July 2016 (SDN/QJ):- Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xalay uu dab xoogan ka gacan guriga wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Max’ed Xusseen oo ku yeella meel aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada.

 

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababay dabka, inkastoo warar qaar ay sheegayaan inuu ka dhashay wax loo maleynayo inay tahay cilad koronto.

 

Gaadiidka Gurmadka deg dega ee dab damiska ayaa u gurmaday guriga Wasiirka, iyadoo markii dambe lagu guuleystay in dabka la damiyo.

 

Wasiirka ayaa guriga ka maqnaa xilliga uu dabka ka kacay, hase ahaatee waxaa la sheegay in xubno ka tirsan qoyskiisa ay ku sugnaayeen.

 

Waxaa adag in laga helo faah faahin ku aadan dabka iyo khasaaraha hantiyadeed uu geystay, balse waxaa la sheegay in aanu geysan wax khasaare nafeed.

 

Ugu danbeyntii, mas’uul ka tirsan Waaxda Dab damiska ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay dabka damiyaan, ka hor inta aanu qeybaha kale ee guriga u soo gudbin.

Comments are closed