DHAGEYSO: Fanaanka Axmed Naaji Oo Ka Cabanaya Cunsurinimo Dad Soomaali Ahi Ku Sameeyeen
Hargeysa,25,7,2016 (QJ/SDN) – Fannaanka Soomaaliyeed Al-Ustaad Axmed Naaji Sacad ayaa wuxuu cabasho ka muujiyay, isla markaana uu ka gabyay cunsurinimo ay kula kaceen dad Soomaali ah, kuwaasi oo sida fannaanku sheegay ku tilmaamay in uu yahay nin carab ah oo aan Soomaali ahayn, sidaas darteedna ay wanaagsanaan lahayd in uu arrimaha soomaalida iyo nabad-u-raadintooda uu iskaga hadho.
Axmed Naaji ayaa sheegay in isagu uu yahay ruux Soomaali ah oo ku dhashay degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, isla markaana uu la tacajubay sida looga fogeeyay Soomaalinimada, isla markaana loogu riixay meel kale.