|

Maxaa soo Dedejiyey Go’aankii Guddida Ururrada ee ka farxiyey Jamaal Cali Xuseen, Guuxa iyo Cadhadana ku riday Faysal iyo Muuse?

Hargaysa 25, July, 2016 – (SDN/QJ): -Tan iyo Markii dhawaan ay soo baxeen xogaha tibaaxaya in Madaxtooyadu qorshaynayso muddo kordhin ku dhawaad laba sanadood ah oo shaabadda loo saaro waxa isa soo taraya fal-celimaha ka imanaya guuxaasi iyo hadal hayntaasi xushay bulshada qaybaheeda kala duwan si gaar ahna u baraarujisay Hogaanka xisbiga KULMIYE ee isu diyaarinaya in uu ka qayb qaato doorashada la filayo in ay dalka ka qabsoonto.

sdfgggg1Dhawaan ayay ahayd markii Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi uu si adag uga hadlay hadal-haynta muddo kordhinta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee shaarica timid, taasoo uu si cad u sheegay in aanay jirin wax muddo kordhin ah oo ay isku og yihiin isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo, hadalkaasi Guddoomiyuhuna keentay in ay si weyn uga xumaato Madaxtooyadu oo ka biyo diiday diidmada adag iyo dareenka uu arrinkaa ka muujiyey Guddoomiyuhu.

Ilo wareedyo kale oo u dhuun daloola xisbiga KULMIYE ayaa tibaaxay in sidoo kale Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi uu wax kala socday hadalkii farriinta cad u ekaa ee isna uu warbaahinta mariyey Wasiirkii hore ee Ganacsiga Somaliland Mudane Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ay saaxiibo isku dhaw yihiin Guddoomiye Muuse, hadalkaasoo uu wasiirkiisii hore isna si cad oo aan leex-leexad lahayn ugu sheegay in muddo kordhinta la hadal hayaa tahay mid nasiib darro ah oo aan loo baahnayn in xukuumaddu ku dhaqaaqdo.

Xogo soo gaadhay Wargeyska FOORE waxa ay tibaaxeen in Madaxtooyadu isku xidhiidhisay labadaasi hadal wakhti Wasiirkii Madaxtooyada iyo Madaxweynihii iyo marwadiisu safaro kala duwan kaga maqan yihiin qasriga Madaxtooyada.

Ilo-wareedyadani waxa ay sheegayaan in go’aankii ay Khamiistii dorraad soo saareen guddida diiwaan gelinta ururradu ahaa mid wakhtigiisa ka soo hor maray oo u muuqda mid qorshaysnaa oo ay xukuumaddu saamayn ku lahayd kaasi oo dadka siyaasadda faalleeyaa ku tilmaameen mid Madaxtooyadu farriin ugu dirtay hogaanka xisbigeeda ee ka gaws qabsaday muddo kordhinta inkasta oo uu ahaa go’aan labadii garab ee isku hayay xisbiga UCID ka wada farxiyey haddana waxa ay xaqiiqadu tahay in go’aankaasi aanu cajab galin Guddoomiye Faysal oo lagu xamanayay in uu doonayay in uu mar kale ku ruqaansado musharraxnimada xisbiga UCID taasoo Guddoomiye Muuse Biixi xaggiisa si weyn ugula dhacsanaa.

Dhinaca kale, kala socoshada Madaxtooyada iyo Xisbiga KULMIYE waxa bannaanka soo dhigay qaabka xukuumad iyo xisbiba ay uga qayb galayaan diiwaan gelinta ka socota Gobolka Sanaag iyada oo laba wafti oo xukuumadda iyo xisbigeeda ahi halkaasi ku tageen, Guddoomiyaha xisbiguna gabi ahaanba ka maqnaa diiwaan gelintaasi. Marka Laga yimaad wufuuddii Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga KULMIYE ee markii dambe kala qaybsamay kadib markii Madaxweyne ku xigeenku soo laabtay waxa isna shalay magaalada Ceerigaabo gaadhay wafti wasiirro iyo masuuliyiin dawladeed u badan oo uu hogaaminayay Wasiirka Madaxtooyada JSL Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi kaasi oo soo dhawayn shalay odayaal reer Ceerigaabo ahi ku qaabileen mar uu ka hadlayay kaga faanay waxqabadka xukuumadda iyo in ay sii wadi doonaan qabyada mashaariicda aanay wali qaban hadalkaasi oo laga dhadhansaday sida Madaxtooyadu uga rajo qabto muddo xileedkeeda oo cimrigeedu sii dheeraado halka aanu Wasiir Maxamuud Xaashi marnaba soo hadal qaadin arrimo ku saabsan xisbiga KULMIYE. Dhawaan ayay kala caddaan doonaan arrimo badan

Comments are closed