|

“Ninba Mudo Dheer I Daba Socday Oo Wuxu I Odhan Jiray Waar Iddaacaddaada Iga Xidh, Hadii Kale Qori Ayaan Soo Qaadanayaa Mid Kale Waa Kii Madaxa Wax Igaga Dhuftay Kolka “ Sheekh Maxamed Cumar Dirir DAAWO

Hargaysa 25, July, 2016 – (SDN/QJ): – Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa ka hadlay marxalado dhawr ah oo noloshiisa bilaw ilaa hada halka ay marayso, waxaanu sido kale hoosta ka xariiqay maadama oo uu ka mid yahay shaqsiyaddka magaca ALLE ku galaday khasaare iyo faa’iido wixii uu kala kulmay in uu noqday sheikh aad loo wada jecel yahay balse mararka qaar hanjabaado iyo dad weerar kula kacayba uu la kulmay.
Sheekh Maxamed Cumar DirirSheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah Culimadda magaca weyn ku dhex leh, Bulshadda reer Somaliland, caana ka ah dhulka Af-Somaliga laga hadlo, ayaa markii ugu horaysay isaga oo lagu waraystay Barnaamijka Ku Dayo Muwaadinka dantaadda Guud oo Aqoonyahan Rashiid Sulub Caalim hormuud ka yahay, waxa uu sheekhu kaga hadlay taariikh nololeedkiisa Waxbarasho, halku ku soo barbaaray, dhibaatooyinka uu ka dhaxlay in uu noqday mid ka mid ah Culimadda ugu caansan Somalida, waxaanu ka hadlay weeraro iyo Hanjabaado loo geystay isaga oo dhinaca kale ka hadlay fariiqooyinka tiradda badan ee Culimadda Diinta iyo fasiradd uu ka bixiyey macnaha Erayga Siyaasadda.
Sheekh Maxamed oo ugu horayn ka hadlaayey halka uu ku dhashay iyo halkii uu ku barbaaray waxa uu yidhi “1963-kii mudo ku siman ayaan dhashay oo barigii hore waxba la ma qori jirin oo waddanka Itoobiya ayaan ku dhashay, aniga oo yar oo aan weyneyn ayaan imid magaaladda Hargeysa, marka Hargeysa iyo hareeraheeda ayaan ku soo kacaamay marka deegaankan Somaliland ayaan ku noola mudooyinkaasi dambe oo dhan”

Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo manhajkiisii Waxbarasho halka uu ka soo bilaabay iyo cidii wax soo bartay ka hadlaayey wuxu yidhi “Waxbarashadaydii waxa gacanta igu hayey Aabahay ALLE ha u Naxariiste oo ka mid ahaa Culimaddii Somalida waa Sheekh Cumar Dirir, marka Quraanka Kariimka ah iyo Kutubta hoose iyo Kutubta dhexe isaga ayaa ii dhigay oo Abahay ayaa mudo dheer gacanta igu soo hayey, Dugsiyadda Carabiga ah Hargeysa ayaan ka galay, markii dambena Halqadaha Masaajidda ayaan u badnaa oo Sheekhu Allaa Iyo Arxama ee markii uu geeriyooday, halqadaha masaajidda ee waddanka ayaan waday, kolkii dambe dibadda ayaan u baxay oo Shahaadada Master-ka oo Luuqadda Carabiga iyo Culuumta shareecadda ayaan ka soo qaatay Shahaadada Master-ka”
Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo ka jawaabayey su’aal laga waydiiyey faahfaahin ku saabsan qoyska uu ka soo jeedo wuxu ku jawaabay “Kolay waxaan ka soo jeeday Qoys Ehel u Diin ah oo ALLAA iyo Arxama Sheekh Dirir Axmed (Awowgii) inta ka farcamay waxay ahaayeen Lix Ubadkiisa ahaa, runtiina Afar ka mid ah ayaa Culimo ahaa oo marka Sheekh Cumar, Sheekh Cabdiraxmaan, Sheekh Cali, iyo Sheekh Cilmi, Afartaas ayey ahaayeen marka Qoys Culimo ayey ahaayeen kolayna lagu yaqaanay kana qayb qaadan jiray Faafinta Diinta Islaamka, adigu Aabahay Kun Sagaal Boqol iyo Kontomeeyadii wuxu ka akhtiyi jiray magaaladda Berbera Tafsiirka iyo Siiradda”
Sheekh Dirir waxa uu ka hadlay dhibaatadda mararka qaar ay leedahay in qofku uu caan noqdo ama isaga shaqsiyan saameynta ay ku yeelatay in uu Sheekh Caan ah oo bulshadu wada yaqaano noqday waxaanu yidhi “Runtii shayga la yidhaahdo in uu qofka caan noqdo oo magaciisu soo baxo meel kastaba ha gaadho dhibna way leedahay dheefna way leedahay, oo Dheef way yeelan karta oo dadkaagii oo ku ixtiraamaya ama mararka qaar aad salaantooda ku daalayso way jirta oo ay kugu kalifayso meelo aanay dadku ku badneyn in aad marto oo Luuq luuq ah, Raximuhu Laaha Axmed Ibnu Xamal Imaamka la odhan jiray ayaa wuxu yidhi nin Saaxiibkii ahaa oo Cabdilaahi la odhan jiray wuxu ku yidhi Illaahay ka magan gal in aad noqoto qof la yaqaano oo caan ah dadka dhexdiisa aniga ayaa laygu Ibtileeye oo waatii mudo dhan la xidhaayey ee Afarta Calaacalood laga garaacayey iyada oo arin Diinta fidno ku aheyd lagu cadaabayey oo arin Qaaciidada ku saabsan oo taariikh dheer laheyd, marka dad ku amaanaya iyo kuwo ku Eedeeye labadaba way leeyihiin”
“Mararka qaarkood ayaa waxa laga yaaba Masaajidka iyo Goobaha aad wax ka akhriyeyso in uu qof ku yimaado ku leh Sameecada iga daa khatiyaan ayaan ka taaganahaye, ninba mudo dheer I daba socday oo wuxu I odhan jiray Iddaacada iga Xidh oo Iddaacadda aad Quraanka ka soo daynayso khatiyaan ayaan ka jooga khadiyaan ayaan ka taaganahay oo Migii ayaan tegay way idaba socota Magaaladda ayaan tegay way I daba socota oo hadana meel heblaayo ayaan tegay way I daba socota, waar Illaahay hadaad taqaano Iddaacaddaada iga xidh, hadii kale qori ayaan soo qaadanayaa hadii aad Iddaacaddaada iga xidhi waydo, waxaan ku idhi waar anigu Iddaacadda ma hayo maamulkeeda ee dad kale ayaa haya oo anigu Cajaladda ka baxdo ayaan leeyahay ee hadaanad dhegaysan karayn, marka labada dhinac ee kuwo ku neceb iyo kuwo ku jecelba, waanad ka war haysa in nin aan waxba na dhex marini in uu mar Madaxa wax igaga dhuftay hada waxbaba iskugu maanaan iman, marka kolay waa wax iska caadi ah nolosha oo soo socotay waxay u baahan tahay Samir in uu lahaado oo hawshiisana sii wato” ayuu yidhi Sheekh Dirir oo hadalkiisa sii watay.
Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo fasiraayey Macnaha Erayga Siyaasadda iyo talooyinka uu Madaxda Siyaasadda Somaliland mararka qaar u jeediyo wuxu yidhi “Kolay Siyaasaddu sidaynu og soonahay waa noloshii oo nidhnacyadda Diinta, Aduunyadda iyo Horumarka dadka Siyaasiyiintuna dadka kuwii Sidda Ciiddanka Nabadgelyadda Waddooyinka kuwii kala hagaayey weeye, marka waxa la yidhaahda hadii ay Siyaasiga iyo Culimaddu qaloocdaan dalka ay intaasi ka qaloocdaan wuu ka shubo oo way u dhamaatay ayaa la yidhaahda, marka kolka aanu u aragno in uu khalkhal geli karo nabadgelyaddii waddanka oo dhibaatana ku iman karto umadda , wakhtigaasi ayaanu kolay dhexgalaa hadii aanu nahay Culimadda oo talooyin waa siina inta badana way qaataan iyaga oo kolay na ixtiraamaya maadama oo aanay mucaarid iyo muxaafid midna culimaddu raacsaneyn ayey iyaga oo runtii na ixtiraamaya waxaanu u jeedino inta badan way qaataan”
Sheekha oo wax laga waydiiyey aragtidiisa ku aadan fariiqooyinka tiradda batay ee Culimadda Somaliland qaarkood ay Fariiqooyinka u kala fadhiyaan sida uu u arko wuxu yidhi “Horta diinteena Islaamku waa mid kali ah, Illaahayna wuxu yidhi waxaanu idinka dhignay umad Caddaalad ah oo urursan oo umaddanimadooda Xaqiijinaaya oo diintana ku toosan, Nebi Muxamedna (NNKH) ee waxyaabaha umadda ugu muhiimsan ee Caqiidada ka sakow uu u qabtay waxay aheyd umadda in uu ururiyey oo dadkii Qabaa’ilka isku laynaayey iyo kooxaha uu Diin iskugu keenay, waanu ururiyey oo dad mabda kali ah oo Diinta Islaamka ah ku midaysan ayuu ka dhigay kuna midaysan Kitaanka Kariimka ah iyo Sunaha ALLE, marka inaga oo ta ka duulayna dadka maaha in loo qaybiyo Kooxo in loo qaybiyo maaha Qabaa’il, laakiin waa in Quluubta umadda laysku geeya si ay diintooda iyo duunyadoodaba uga horumaraaan oo cidii Shisheeya ah ee soo hawaysan laheydna uga hadho”

 

Comments are closed