Shaqaalaha ka Xoogsada Dekada Berbera oo Cabasho ka Muujiyay Xaqii ay ku lahaayeen Dekada Berbera
Berbera 25, July, 2016 – (SDN/QJ): – Qaar ka mida shaqaalaha ka xoogsada Dekada Magaalada Berbera ayaa cabasho ka muujiyay xaqqii ay ku lahaayeen maamulka Dekada Berbera oo ay waayeen.
Shaqaalahan oo ah xamaaliinta dekada Berbera ayaa sheegay in laga qaadi jiray 3 doolar ah marka ay dajiyaan hal koontiinar, lacagtaasi waxay sheegeen in looga qaadi jiray sidii loogu ururin lahaa xaqa ay ku leeyihiin dekada.
Shaqaalahan oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Berbera ayaa madaxwaynaha ugu baaqay inuu siiyo xaqii ay ku lahaayeen maadaama dekada Berbera lagu wareejiyay DP World.
“Madaxwayne waxaanu rabnaa lacagta lanaga jari jiray ee 95 Milyan ee Doolar ah, waxaa lanagu odhan jiray waa xaqiinii oo waa la idiin haynaa , Koontiinarka waxaa lanaga qaadi jiray 3 Doolar markaa waxaanu doonaynaa xaqayagii madaxwayne”ayuu yidhi mid ka mid ah shaqaalaha ka xoogsada dekada Berbera oo warbaahinta la hadlay.
Xoogsadatani waxaa kale oo ay sheegeen inay qayb ka yihiin dib u dhiska lagu sameeyay dekada Berbera“ Dekada Dambe ee imika la sameeyay sanadkii waxaa ku dega 45kun oo koontiinar waxaanan ku dhisnay iskaa wax u qabso wixii ay dawladu keentay mooyee, xaqayagii ayaanu doonaynaa haddii dawladu naga maarantay”ayuu yidhi mid kale oo ka mida shaqaalah ka xoogsada dekada Berbera waxaanu intaasi Raaciyey oo uu yidhi “Markii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal dalka dhisayay ayaa waxaa uu nagu yidhi waar dalka ila dhisa (Xamaaliintaay) 1 dolar ayaan idinka jarayaaye, waxaanu ku nidhi lacagtaasi yaa lagu leeyahay hadaad dhimato? Wuxuu yidhi Hadba kii madaxwayne ka ah dalka”
Dhinaca Kale , Wargeyska Himilo oo xidhiidho kala duwan la sameeyay maamulka dekada Berbera ayayna u suurto galin inay wax ka waydiiyaan Cabashada shaqaalaha.