|

Faahfaahin Dheeraad ah: Xukunadii ay Maanta Soo Saartay Maxkamada Derejada 1aad ee Ciidanka Somaliland

Hargaysa 24.July 2016 (SDN/QJ):- Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Somaliland ayaa maanta xukun dil ah ku ridday 8 qof oo ku eedeysnaa dilka taliyihii qaybta booliska gobolka Saaxil,Waxaana Sidaas Warbaahinta u Xaqiijiyey Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka-sida ee derejada kowaad Koroneyl Yuusuf Faarax Sharma’arke .

Maxkamada Derejada Kowaad ee Ciidanka SomalilandSiddeed nin ee Xukunka lagu riday ayaa la sheegay inay rasaas ku wada rideen Isla markaana ay Sababtay Dhimashada taliyihii qaybta boliiska gobolka Saaxil ee Berbera gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf labadii bishii saddexaad ee sanadkan u geeriyooday falkas.

Sideeda Nin ee Xukunka lagu riday ayaa Shan ka mid ahi Maqane Yihiin Halka Sadexda Kale Gacanta Lagu hayo.

Sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamada Derajada 1aad ee Ciidanka Somaliland Cornayl Yuusuf Faarax Sharmarke Waxa uu sheegay in Gudoomiye Ku Xigeenkii hore ee Gobolka Saaxil Xaamud Xuseen C.laahi Isla markaana la socday Xiligii Taliyaha la dilayay lagu waayay Denbigii lagu soo eedeeyay oo ahaa Shirqool Hasa Yeeshee Waxay Maxkamadu ku Xukuntay 8 Bilood oo Xadhig ah kadib markii uu dhayalsaday digniin laga siiyay ragan falka gaystay Ka Hor intii aanay Falkan Fulin.

Gudoomiyaha maxkamadu wuxuu sheegay in siddeed nin oo kale oo isla degaankasi ka soo jeeda lagu xukumay midkiiba todoba sano oo xadhig ciidan ah, iyagoo weeraray tuulada ceel-garde sanadkan horaantiisii.

Qareenka difaacayay dadkan lagu xukumay dilka iyo xabsiga dheer garyaqaan Maxamed Jaamac Cabdi ayaa xukunkan ku tilmaamay mid cadaaladda ka fog oo siyaasadaysan.

Wuxuu hadalkiisa ku xoojiyay in dadkan oo dhammaan rayid ah ah aanay maxkamad milleteri sharci u lahayn inay qaaddo dacwadooda, qareenku wuxuu sheegay in ay maxkamadaha sharciga u leh u qaadanayaan Rafcaan.

Comments are closed