Maxkmadda Ciidanka Qaranka Somaliland OO Dil Ku Xukuntay Dad Eedaysanayaal Ahaa
Hargeysa,24,7,2016 (QJ/SDN) – Maxkamada ay leeyihiin ciidamada qalabka sida oo ku taala jamhuuriyada goonida isu taagtay ee Somaliland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 8 qof.
Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee derejada kowaad Koloneyl Yuusuf Faarax Sharma’arke ayaa u sheegay warbaahinta in 8da qof lagu helay inay dileen taliyihii booliska Berbera ee gobolka Saaxil Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf 2dii Maarso ee sanadkaan 2016.
Si kastaba ha ahaatee, garyaqaan u doodayay dadkaa toogashada lagu xukumay ayaa sheegay in xukunkaa uu yahay mid cadaaladda ka fog oo la siyaasadeeyay.