|

Turkiga Oo Sheegay In Ay Aqbaleen Baasaboorka Somaliland Kana Hadlay Wada Hadaladii Somaliland iyo Somalia

yuuusal

Hargeysa,23,7,2016 (QJ/SDN) – Qunsulka Turkiga u fadhiya Somaliland  Muzaffer Yuksel ayaa sheegay in ay aqbaleen Baasaboorka Somaliland, isagoona xusay in Fiisihii ugu horreeyay ay siiyeen madaxda dalka oo uu ugu horreeyo madaxweyne Siilaanyo.

Sidoo kale, Qunsulku waxa uu ka hadlay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya u socday oo uu sheegay inay dib u bilaabmi doonaan doorashooyinka Soomaaliya ka dhacaya wixii ka dambeeyo, isagoo sheegay in wakhtigii hore dawlada Turkiga ahayd inay gogosha fidiso, balse hadda loo bedelay in dhexdhexaadiso marka labadda dhinac ismari waayaan, waxaanu xusay in loo magacaabay ergay u gaar ah arrimaha wada hadalada.

“Sanadkii 2013 dalka Turkigu waxa ay la wareegtay marti gelinta maaha dhex-dhexaadinta (Somaliland iyo Somalia) oo kaalintayadu ahayd in aanu marti gelino, anagoo bixinayna kharashka tigidhada, diyaarinta goobta lagu qabaneyo shirka, hudheelka ay seexanayaan masuuliyinta ka socday labada dhinac Ka dib afar wareeg ayey wada hadaladdii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya isku afgarteen dhawr qodob oo yaryar, laakiinse qaybta farsamadda sababo kala duwan awgeed kuma dhaqmin qodobaddii ay ku heshiiyeen, Marka, illaa bishi November ee sanadkii hore waxa aanu isku hawlnay in aanu kala shaqayno ama dib u dhis ku samayn lahayn qaab-dhismeedka wada hadalada u dhaxeeya labada dhinac, iyaddoo dowladda Turkigu ay go’aansatay in ay kaalinteedi hore ee marti-gelinta ahayd bedesho, islamarkaana dhex-dhexaadiso labada dhinac, waxaanay u magacowday safiir u xil saaran arrinta wada-hadalada.”

“Waxaana safiirka loo xil saaray arrimaha wada-hadalka Somaliland iyo Somalia markii uu la wareegay hawsha kana dhegaystay dooda labada dhinac ayaa la isku afgartay in la sameeyo waddo khariirad ama road map, laakinse nasiib darro, maadaama doorashooyin ku soo fool leeyihiin Soomaalia ayaa dib u dhigtay, waxaana rajaynaynaa sanadka cusub ee 2017 in aanu sii wadii doono wada hadalada khuseeysa labada dhinac.” Ayuu yidhi qunsulka Turkiga ee Hargeysa oo intaasi ku daray ‘’waxaanu aqbalnay baasaboorka Somaliland, anakoo Fiisihii ugu horreeyay siinay madaxweyne Siilaanyo.

Qunsulkan ayaa sheegay in barigii hore sida u haysteen Somaliland iyo imika faraq weyni u dhexeeyo, haseyeeshee imika wax badan fahmeen, waxaanu tilmaamay in ay hadda laga bilaabo xidhiidh joogta ah la yeelan doonaan, isal markaana labadda dhinac wanaajin doonaan xidhiidhkoodda.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa sheegtay in hay’adda Nile Academy aanay wax dambi ah ka galin Somaliland, sidaas darteed aanay suurogal ahayn in xaquuq doodda dhibaato loo gaysto, haseyeeshee, dowladda Turkiga qusulkeeda Hargeysa ayaa saxaafadda u sheegay in Somaliland ka codsadeen in ururkaasi yahay mid argagixiso ah mudan in talaabo laga qaado, si xidhiidhka Somaliland iyo Turkiga u xoogaysto, balse illaa hadda wax jawaab ah oo kale kama bixin xukuumadda Somaliland.

Comments are closed