|

Xisbiga Ucid: Go’aankii Gudida Diiwaangelinta Mindi Laba Af leh Khilaafkii ay Isku Hayeen oo Gacmahooda lagu Celiyey Iyo Dhawaqyada kala fog ee Saacad Kadib Ka Soo Yeedhay Dhinacyadii Loo Gar qaaday DAAWO

Hargaysa 22.July 2016 (SDN/QJ):- Guddida Diiwaan-gelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka, ayaa Shalay go’aamo ka soo saartay khilaafkii kala erdheeyey Xisbiga UCID, isla markaana sababay inay u kala Jabaan labaddda garab ee ay kala hogaaminayaan Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen.

Madashii Garnaqa Khilaafka UcidGuddida Diiwaangelinta ayaa sheegtay markii ay dhageysteen labadda garab dacwadda ay isku haystaan, isla markaana dib u eegeen heshiishkii hore u dhexmaray Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen ay soo saareen go’aamadan hoos ku qoran:

 

  1. In xisbiga UCID labaddiisa garab qabsadaan shirweyne aan caadi ahayn muddo shan iyo safartan cisho gudaheeda oo ka bilaabmaysa 21/7/2016.
  2. In labadda garab soo magacaaban guddi maamusha shirweynaha oo ah tiro is leeg.
  3. Gudiga tiradeedu waa toban qof, oo labadda garab midba shan xubnood soo magacaabayo, waxaana loo soo gudbinayaa magacyadooda guddida diiwaangelinta.

(a). Guddida waxay iska dhex dooranayaan gudoomiye, iyo xoghaye fulineed oo midba garab ka imanayo. (b). guddiddu waxay si isleeg u soo xulaysaan ergadda shirweynaha. (c). guddidu waxay maamulaysa shirweynaha ilaa inta go’aamadiisu ka soo baxayaan. (d). kharashka shirka ku baxaya waxa bixinaya labadda garab ee xisbiga si isleeg.

  1. Shirweynaha waxa lagu ansixinayaa dhamaan qodobadda heshiishka labadda garab iyo wax ka bedelka xeerka guud ee xisbiga UCID ee ku taariikhsanayd 12/7/2012.
  2. Golaha dhexe ee xisbiga UCID oo tiradiiisa sharciga ahi ay tahay 181 xubnood soo jeedin sharciga ahina ka taalo waxa lagu dhamaystirayaa shirweynaha.
  3. Musharxnimadda Jamaal Cali Xuseen waxay dhamaystirmaysaa marka shirweynuhu ansixiyo umana baahna shir gole dhexe oo dambe oo lagu ansixiyo.
  4. Cali Maxamed Yuusuf oo heshiishka lagu ansixiyey gudoomye ku xigeenka 3aad ee xisbiga UCID waxay xilkiisu dhamaystirmayaa marka shirweynuhu ansixiyo.
  5. qodbadda 1 illaa 7aad ee go’aankan waxay guddidu cuskatay sida ku cad heshiishkii labadda garab ee ku taariikhaysan 12/7/2012 , qodobadda 1aad iyo 4aad oo u dhigan sidan qodobka 4aad (labadda dhinac waxay ku heshiiyeen in sida ugu dhakhsaha badan loo hawlgalayo guddi qabanqaabo oo ka shaqaynaysa qabsoomidda kalfadhiga 4aad ee golaha dhexe ee xisbiga UCID iyo shirweynaha guud oo aan caadi ahayn, shirka golaha dhexe iyo shirweynaha waxa lagu ansixin doonnaa dhamaan qodobadii heshiishka, sidoo kale, waxa meel marinayaan wixii kaabis iyo wax ka bedel ah ee lagu sameeyey xeerka guud ee xisbiga UCID).
  6. QOD: 1- aad: Baaragaraafkiisa u dambeeya wuxu leeyahay ( sida oo kale waxay labada dhinac isla meel dhigeen in dhamaan guddi hoosaadydda iyo xoghayeyaasha xisiga ay si siman u qaybsadaan).
  7. waxa kale oo ay cuskatay:xeer 14 qodobkiisa 26aad oo u dhigan sidan ( guddida diiwaangelinta ururadda siyaasadeed iyo ansixinta asxaabta qaranka wuxuu awood u leeyahay inuu soo saaro xeer nidaamiye iyo xeerka hab dhaqanka iyo amaawiirta aan ka hor imanayn xeerkan (Xeer 14).
  8. Cidii xukunkan ku qanci waydaa waxa u furan inay racfaan u qaadato maxkamada sare ee Somaliland, go’aankani wuxuu soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay 21/7/2016.
    Go’aankaan – Waxaa ku saxeexna Dhammaan Toddobadda Xubnood ee ay ka kooban yihiin Guddida diiwaangelintu.

Dhinaca kale, labdda garab ee isku hayey xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen ayaa soo dhoweeyey go’aamadan, inkastoo gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ka gaws qaniinayey, waxaanu Faysal sheegay in wixii xeerarkoodda ka imanaya aanay ogolaan doonin, isla markaana dib u qiimayn doonaan go’aankan, Waxaa Kale oo uu Qeexitaan ku sameeyay Qaar ka mid ah Qodobada Go’aankan oo uu dhigay qaab Shaki gelin kara Macnaha qodobadaas, Haseyeeshee Wuxuu Gudoomiye Faysal Sheegay inuu soo dhawaynayo.

Sidoo kale, Cali Maxamed Yusuf oo ah Guddoomiiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga ah ayaa isna soo dhoweeyey go’aankan, isla markaana sheegay in tixgalinayaan natiijadaaasi,Inkasta oo uu Hadalkiisa ku Ladhay inay dib u naaqishi doonaan Go’aankan,Waxaa Kale oo Cali Guray Sheegay in Mudo Xileedkiisu uu ahaa inta u dhaxaysa Laba Shirweyne Taas oo Nuxur ahaan uu u dhigay in Madashaa lagu dooran doono dhamaanba Hogaanka Xisbiga oo uu ku Jiro Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Si kastaba ha ahaatee, Go’aankaan waxay Dadka Siyaasadda odorosaa ku tilmaameen mid xal u noqon kara labadda garab, inkastoo garabka Jamaal Cali Xuseen fursad fiican u tahay mar haddii si is leeg u qaybsamayaan ergooyinka, isla markaaan guddida qabanqaabadda si siman loo qaybsamayo.
Balse Waxay Su’aali ku godan tahay in Gudoomiye Faysal Sidii Xukunku u dhacay uu dabaqo Taas oo hadii ay dhacdo keeni doonta in Xisbiga Ucid uu Taariikhda Markii Labaad Kiiskiisu Galo Maxkamada Distooriga ah oo Wixii ay Go’aamiso aanu lahayn ka Noqosho.

Comments are closed