|

‘’Xisbinimada UCID ayaa aniga igala muhiimsan xil aan ka qabto ama aanan ka qaban labadana waxan jecelahay in aanan ka qaban ee cid igaga fiican loo dhiibo aniguna aan kula shaqeeyo’’ Fariinta Cali Guray

Hargaysa 22.July 2016 (SDN/QJ):- Mudane Cali Maxamed Yuusuf ‘’Cali Guray’’ ayaa u soo Jeediyey Dhinacyada Khilaafka Xisbiga Ucid u dhexeeyay ee Shalay Go’aanka laga soo Saaray inay ka faa’iidaystaan Wakhtiga Kooban ee ay Haystaan Isla markaana dhinca kastaa Waajibkiisa ka guto Mudada uu haysto.

Cali Guray okQoraal Xalay Niskii danbe uu Cali Guray ku baahiyey Degelka uu ku Leeyahay Barta Xidhiidhka Bulshada ee Facebook ayaa u dhignayd Sidan:-

‘’Cidii wax ah iyo cidii aan wax ahaynba waxa sheegi Shirwaynaha la isla ogolaaday in muddo 45 cisho gudahood ah ku qabsoomo waana fursad qaali ah oo Kama dambays ah.

Dhinac walba waxa looga fadhiyaa inu waajibaadkiisa guto.

75% hawlaha qabanqaabada waxa lagu dhamayn karaa 20ka cisho ee ugu horeeya laga bilaabo maalinta Sabtida hadii si wada jir ah oo daacad ah looga hawlgalo Gudida Qabanqaabadana si hagar la’aan ah loola shaqeeyo. Hebel kan maaha iyo hebel keer maaha looma baahna in lagu murmo hawsha keliya ee ugu muhiimsan UCID xalka khilaafka xisbigana lagu soo afjari karaa waa Shirwaynaha oo ka muhiimsan dan shakhsi.

 

Waxan qof kasta oo UCID ah ku boorinayaa in uu ka shaqeeyo sidii aanay fursadan kama dambaysta ahi uga lumin Xisbiga ee la xisbiyeeyo. Xisbinimada UCID ayaa aniga igala muhiimsan xil aan ka qabto ama aanan ka qaban labadana waxan jecelahay in aanan ka qaban ee cid igaga fiican loo dhiibo aniguna aan kula shaqeeyo.

Markaa Faysal oo 14 sanadood Gudoomiye isagu ka ahaa Xisbiga labadii fursadood ee soo marayna isagu iska sharaxay iyo anigu laba shakhsi oo aad u kala duwan ayaanu nahay.

Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee isagu uu waxa wayn u haysto aniga baryo ayaan ku ogolaaday ee maan doonanin. Bal hadaba Faysal si cid kale oo cusub loogu eego hogaaminta Xisbiga anigu diyaar baan u ahaye isagu ma tanaasuli karaa?

Fuloow guuli kuu dhawaydee car ha karo? Hadii Ilaahay garansiiyo waxan is leeyahay UCID xisbi uga dhaw guushu ma jiri doono waanu noqon doonaa Ilaahay idankii XISBUL XAAKIMKA SOMALILAND

Comments are closed