|

Sheeko Xiiso Badan oo Dhex Martay Madaxweyne Rajab Erdogan iyo Duuliyihii Rayidka ahaa Iyo Wakhti adag Sidan isku fahma!!

Istanbul 22.July 2016 (SDN/QJ):- Waxay Warbaahinta Adduunku aad u falanqaynayaan Inqilaabkii Dhicisoobay ee Ciidamada Turkigu rabeen inay Talada dalkaasi kaga Tuuraan Jimcahan Jimcihiisii Madaxweynaha Waddanka Turkiga Rajab Dayib Erdogan iyo Xukuumadiisa ku Timid Doorashada Dimuquraadiga ah.

duulMadaxweynaha dalka Turkigu maalintan waxa uu fasax nasasho ah ku joogay xeebta bariga fog ah ee dalka Turkiga ee lagu Magacaabo Marmariis.

Rajab Dayib Erdogan Wuxuu Galay Xaalad adag oo Go’aan qaadashadeedu Tahay Khatar laba Geesood ah,Wuxuu Go’aansaday inuu Diyaarad rayid soo Raaco Maadaama Kooxaha Inqilaabka waday ay la socdeen dhaqdhaqaaqiisa Isla markaana ku Talo Jireen inay Dilaan,amase Ugu Yaraan Xabsiga u taxaabaan.

Markii Madaxweyne Erdogan ka soo duulay Magaalada Marmariis Wuxuu Wada Sheekaysi adagi dhex maray isaga iyo Duuliyihii diyaarada uu saarnaa,Waxayna Sheekadaasi u dhacday Sida

Erdogan: diyaaradda fadhiisi gegida istanbuul!!

Baylood: Madaxweyne madaarka laydhkii way bakhtiiyeen!!!

Erdogan: ma ku fadhiisin kartaa ilayska diyaaradda oo keliya?

Baylood: Haa , laakiin halis weyn ayaa ku xeeran. Waayo baabuurtii ayaa garoonka dhex daadsan!!

Erdogan: imisa saacadood ayaynu hawada ku jiri karnaa?

Baylood: waxa aynu haysana shidaal inagu filan afar saacadood.

Erdogan: ma fadhiisin kartaa adigoon ogolaansho weydiisan madaarka?

Baylood : haa iftiinka diyaaradda oo keliya waan isticmaali karaa!!!.

Erdogan: waxa uu la xidhiidhay taagerayaashiisa oo uu ka codsaday in ay garoonka isku maqiiqaan, si ay u xoreeyaan.

Markii ay kaarayaashii ku qasbeen dadweynuhu in ay madaarka ka baxaan ayuu bayloodkii soo fadhiisiyay diyaaraddii Erdogana uu kula hadlay halkaas dadweynihii.

Xigasho Telefishanka CNN.

Comments are closed