|

Yaa Leh Go’aanka Saami qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiiladda? Iyo Qaraarada Hogaamiyeyaashu kala qaataan DAAWO Madaxwayne: Ama jiidh ama ka joog jar baa kaa horeeya eh !!

Hargaysa 22.July 2016 (SDN/QJ):- Xaqiiqadu waa tan. Wakiiladu sidii Golihii ka horeeyay diyaar uma ah in Doorashada Golaha Wakiiladu ay qabsoonto eh waxay doonayaan inay marmarsiiyo ka dhigtaan saami qaybsiga kuraasida wakiilada oo ah tii ay baylihiyeen 11 sanadood oo ay iska fadhiyeen.

Mar hadii aanu jirin saami qaybsi kale oo ku salaysan tirokoob sax ah sida uu xeerkan jiraa sheegayo waxa lagu qasban yahay, hadii la doonayo inay doorashadu wakhtigeedi ku qabsoonto in isla Xeerkan yaala iyo saami qaybsigii hore mar kale lagu galo doorashadanna hadii aan xal kale la haynin.

Taasina waxay ku suurtogeli karaa keliya Madaxwaynaha oo sidaa u soo jeediya Baarlamanka hadii ay diidaan oy ku soo celiyaan iyaga oon sabab macquul ah oy ku soo celin karaan jirin markaa uu u gudbiyo Maxkamadda Sare oo iyadu xalaalaysay go’aankii Golaha Guurtida ee muddo kordhintii marka sedexaad loogu kordhiyay Wakiilada si ay iyadu u gaadho go’aan suurtogeliya inay doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto.
Hadii Madaxwaynuhu aanu sidaa yeelin ma dhacayso doorasho wax kale oo furan oon muddo kordhin ahaynina ma jirto hadii cid garanaysaa jirtona bal ha is cadayso oo ha inoo sheegto.

Markaa in doorashadu ay wakhtigeedii ku qabsoonto waxa inoo haya Madaxwaynaha in aanay ku qabsoomin ee fashilantona waxa inoo haya Xil-ma-dhibaanada ku maaraystay ee ku daxalaystii kuraasida ay 12 sanadood iskaga fadhiyeen ee sedexda goor muddo kordhinta loo sameeyay welina quud daraynaya in mar afraad iyo mar shanaad iyo marar badan oo kale loo kordhiyo mudada si ay Golahood kale ee Barlamanka(Guurtida) ula mid noqdaan.

Taasina waa qaran jabka Somalland iyo dawlad xumo ah wadada loo maro dawlad la’aanta. Markaa Madaxwaynaha ayay ku xidhan tahay in hororka guriga ka soo horjeeda u galay Somaliland ka badbaadiyo iyo in isaga iyo ummadda uu Madaxwaynaha u yahaba ay cunaan.
Halkan ka Daawo Go’aankii uu Madaxweynihii Hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ka qaatay Qadiyadan Maanta Taagan.

Comments are closed