|

Maxaa Ka Dhab ah Inqilaabkii Dhicisoobay ee Turkiga?Maalmaha,Daqiiqadaha Iyo Ilbidhiqsiyadu Sidii ay isu Bedelayeen Iyo Falanqayn Xiiso Leh oo uu ka Diyaariyay Xasan Cumar Hoori

Hargaysa 22.July 2016 (SDN/QJ):- Habeenkii Jimcaha ee Todobaadkii hore qaybo ka mid ciidammada qalabka sida ee dalka Turkiga ayaa ku dhawaaqay in ay afgembiyeen xukuumaddii, kadib markii ay Madaxweyne Tayyip Erdogan ku eedeeyeen in uu maroorsaday taladii dalka, isla markaana baylahshay nabadgelyadii. Waxaa ay sheegeen dalkii Turkigu xilligan in uu hoy u noqday hawlgallo argagaxiso. Haddaba, sidee wax u dhaceen?

Inqilaabkii Turkiga Iyo Midabadii Guusha10:30 (caweyskii) – Jimce. Ciidamo ayaa xidhay buundooyinka (Bridges) Furraat iyo Sultan Mehmet ee magaalda Istanbul si ay u hakiyaan isu socodka dadweynaha. Tallaabadaasi, isla markiiba, waxaa ay shaki ku abuurtay gaadiidlayda isaga tallaabayay goonyaha magaalada.

10:50 – Dayuuradaha nooca Jet iyo kuwa sida qummatiga u kaca (helicopters) ee ciidanka cirka ayaa si baahsan u kor haadayay caasimadda Ankara.

 

11:00 – Ra’iisal-wasaraha Turkiga Mr. Binali Yilkdirim ayaa warbaahinta u sheegay in uu jiro dhaqdhaqaaq ciidan, kaasoo ay dalka ka wadaan tiro yar oo dano gaar ah leh, una adeegaya shisheeye. Binali waxaa uu shacabka u ballanqaaday xukuumaddu in ay ka hawl gelayso sidii loo xakamayn lahaa damaca lagu burburinayo dalka, isagoo shacabka ka codsaday in ay is dejiyaan.

 

12:00 – (saqda dhexe) kooxaha inqilaabka ayaa xoog ku qabsaday Telifishanka Qaranka TRT. Dhinaca kale, Taliyihii Guud ee Ciidanka Qaranka Turkiga, Hulusi Akar ayaa ka mid ahaa dad kooxdu ka qafaasheen caasimadda Ankara.

 

12:15 –Telifishanka Qaranka TRT ayaa sii daayay in ciidanka qaranku ay la wareegeen taladii iyo in ay gacanta ku dhigeen dhammaan maamulkii dalka. Sidaa darteed, waxa la laalay distuurkii dalka, iyadoo ciidanku dalka ku xukumayaan Xukun Askari (Martial Law) ilaa iyo inta laga sameynayo dastuur cusub, dalkana waxa ay ku soo rogeen Bendoo, iyagoo amray qof kastaa in uu ku negaado halka uu joogo.

 

12:30 – Ra’iisal-wasaare Yildirim ayaa barta warbaahinta bulsho ee “Twitter” dhigay in ay la dirirayaan kooxda Inqilaabka xataa haddii ay ku kelifayso in ay u loogaan dad tiro badan, isla markaana kadibna Madaxweyne Erdogan ayaa wareysi siiyay Telifishanka CNN, laanta Afka Turkiga, isagoo u sii maray warbaahinta bulsho ee “Facetime.” Madaxweynaha waxa uu shacabka kula dardaarmay “in ay isugu soo baxaan jidadka si ay u ilaashadaan xukuumadda ay ku soo doorteen sida xalaasha ahayd.” Madaxweynahu waxa uu shacabka u ballanqaaday, “in ay guulaysan doonaan” iyo in uu “si ba’an uga aar gudan doono kuwa soo maleegay afgembiga.”

 

01:00 –Dayuuradaha sida qummatiga u kacaa ayaa duqeeyay goobo ka mid ah caasimadda Ankara. Waxa kaloo la arkay xarunta Barlamaanka oo ay ku gedaaman yahiin cutub ku hubaysan taangiyo. Wax yar kadib, rasaas ayaa ka dhacday gudaha barlamaanka, waxaana la maqlay qaraxyo aad u xoog badan. Xubno Barlamaanka ka mid ah ayaa sheegay in ay ku gabbood ka dhigteen godad ku yaal dhismaha hoose ee barlamaanka.

 

Dhinaca kale, Wasiirka Caddaaladda dalka Turkiga ayaa ku eedeeyay wadaadka Fethullah Gulen oo masaafuris ku jooga carriga Maraykanka in uu ka dambeeyay isku daygan lagu manjo-xaabinayo xukuumadda. Fethullah waxa uu taageerayaal fara badan ku leeyahay dalka, iyadoo ururkiisu muddo dheer ku foognaa dhinacyada horumarka, waxbarashada iyo caafimaadka dalka gudahiisa iyo dibeddiisaba.

 

02:00 – Dayuuradaha nooca Jet oo daacad u ah xukuumadda ayaa dhulka dhigay dayuurado nooca marawaxadda oo u adeegayay afgembiga. Isla amintaa, waxaa la dilay 17 sarkaal boolis ka dib markii ay iska caabbiyeen ciidanka inqilaabka.

 

02:50 – Ra’iisal-wasaare Yildirim ayaa sheegay in xukuumadda gacanta ku dhigtay xaaladdii dalka, inkastoo qaraxyo aad u culus laga maqlayay faras magaalaha Istanbul. Ra’iisal-wasaarahu waxaa uu sii xoojiyay eedii loo soo jeediyay ururrada samafaleed ee wadaadka Gulen.

 

Abbaaro 03:20 – Xilli ay dayuuradaha cadowga korkooda duulayeen Madaxweyne Erdogan, waxauu si geesinimo leh uga degay Garoonka Caalamiga ee Ataturk, Istanbul. Madaxweynahu shir saxaafadeed oo uu ku qabtay garoonka waxa uu ku sheegay, “kuwa inqilaabka wadaa in ay dadweynaha u quudheen qorigii la rabay in ay ku difaacaan.”

 

Intaa waxa uu ku ladhay, wax yar kadib markii uu ka ambabaxay magaalo-xeebeedka [Marmaris] in hub culus lagu garaacay goobtii uu ka degenaa. Madaxweynaha waxaa ku hareeraysnaa kumanyaal shacab ah oo naftooda u huray in ay meel ku la dhintaan. Madaxweynahu, mar kale, waxa uu shacabka ka codsaday in ay difaacdaan xukuumaddooda, una babac dhigaan qawlaysatada ku soo duushay hannaankii dimoqraadiyadda.

 

Isla markii la baahiyay war saxaafadeedka Madaxweynaha waxa sii labanlaabmay dadweynihii isugu soo banbaxay fagaarayaasha magaalooyinka Istanbul iyo Ankara. Markan taageerayaashu kuma ay koobnayn kuwa daacadda u ah Madaxweynaha iyo Xisbigiisa Caddaaladda iyo Horumarinta. Balse, waxa si wadajir ah aan u kala hadhin muxaafid iyo mucaarid. Wax yar ka dib, Madaxweynahu farriin ayuu si siman ugu diray dhammaan moobilada dadweynaha. Waxaana uu ku sii adkeeyay in “in aanay dib u laaban, ilaa laga safeynayo kuwo caddowga ku ah rabbitaanka ummadda iyo xasilloonida dalka.

 

03:30 –Inkastoo qarraxyo xoog badan laga soo sheegay xarunta Barlamaanka ee Ankara wararka qaarkood waxa ay tibaaxeen in la jebiyay afgembigii. Waxa la soo bandhigay muuqaallo ciidamo loo sii taxaabayay meel aan la aqoon. Sidoo kale, boqollaal ka mid ahaa ciidammadii afgembiga ee ka hawlgelayay magaalada Istanbul ayaa iyaguna isa soo dhiibay. Markiiba, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Efkan Ala, waxaa uu ku afgobaadsaday in uu “fashilmay” inqilaabkii.

 

03:45 – Fagaaraha Taksim ee faras-magaalaha Istanbul waxa iska dhiibay tiro ciidamo ah ka dib markii ay soo weerareen dablayda booliska ee daacadda u ah Madaxweye Erdogan.

 

05:00 – (subaxnimo maalinta Sabtida) Afhayeenka Madaxweynahu waxa uu sheegay in ay hawl-galka ku dhinteen ilaa 60 qof iyo in xukuumaddu gacanta ku dhigtay 130 qof oo eedda faraha ku la jiray.

Sidoo kale, ciidammada daacadda ah waxay soo furteen Taliyahii Guud ee Ciidammada Qaranka, Hulusi Akar, kasoo habeennimadii ay afduubteen kooxda afgembiga.

 

Waaberigii – maalintii Sabtida, warbaahintu waxaa ay faafisay muuqaallo ciidamo tiro badan oo hubka dhigay, isuna dhiibay xukuumadda. Waxa xabsiga loo taxaabay ilaa 700 kuwaasoo isugu jiray saraakiil iyo askar. Isla markaa, xukuumaddu waxaa ay si rasmi ah ugu dhawaaqday in uu dhicisoobay inqilaabkii.

 

Dhinaca kale, waxa laga soo sheegay dayuuradaha jetku in ay hub culus ku garaacayeen degmada Bestepe ee caasimadda Ankara, halkaasoo uu ku yaal qasriga Madaxtooyada. Kor waxaa laga arkayay qiiq madow oo cirka isku shareeray.

 

Gabbal-dhacii – Sida uu sheegay Ra’iisal-wasaaraha Turkigu, maalintii Sabtida waxaa gabbalku u madoobaaday iyadoo xukuumaddu si adag gacanta ugu dhigtay taladii dalka. Afgembigu waxa uu galaaftay 265 qof, kuwaasoo 161 ka mid ah isugu jireen shacab iyo ciidammada daacadda u ah xukuumadda.

 

Ku-simahaTaliyaha Guud ee Ciidanka, Umit Dundar, ayaa isaguna warsaxaafadeed ku sheegay in la dilay 104 qof oo ka mid ahaa kuwii holliyay inqilaabka, halka geerida shacabkuna gaadhay 47 qof. Sidoo kale, hawlgalka waxaa ku dhaawacmay dad gaadhaya 1,440. Waxa xabsiga loo dhaadhiciyay 2,839 ka tirsanaa ciidanka iyo ilaa 3,000 garsoorayaal loo tiranayo in ay ahaayeen kuwii ka soo qallin-jebiyay jaamacadaha wadaadka Fethullah Gulen, lana sheegay in ay badhitaarayeen ciidammada inqilaabka.

 

Ninka lagu magacaabo Hakan Fidan oo ah Madaxa Sirdoonka Qaranka (MIT) ee dalka Turkiga, ayaa caweyskii ku tiraabay, “waxa la soo afjaray hawlgalkii lagaga hortegayay afgembiga, hase ahaatee waxa sii socon doona baadhitaanka ilaa xididada loo siibayo cid kasta oo taageeraysay.”

Ayaa fashiliyay Inqilaabkii?

 

AFGEMBI (Inqilaab), ma aha dhacdo ku cusub dalka Turkiga. Waxaa ay ahayd 1960, 1971-1973, 1980 iyo 1997 mararkii si habqan ah ciidamadu u manjo-xaabiyeen xukuumadahii ka tallinayay dalkaa. Waxaa kale oo jiray inqilaab la isku deyay 2007 oo uu fashiliyay xisbiga Cadaaladda iyo horumarinta oo hadda ka arrimaya dalka. Ku dar isku deyga afgembiga dhacay toddobaadkan.

 

Shacabka, war ku ma seegana sidii wax u dhaceen. Waxaa ay isugu jiraan dad u soo taagnaa dhacdooyinka aan soo sheegnay iyo in ka sii badan oo ka soo daalacday taariikhda dalkooda, ama kaga soo boogtay sheekooyinka jiilba jiilka kale ka sii dhaxlo.

Sidaa awgeed, dadweynahu waxaa ay sii xusuustaaan waxyeeladii. Weli kama ay bogsoon nabaradii iyo dib u dhacii ay ka tegeen talisyadii milaterigu oo aan la mahadin. Xukunka Mileteri waxaa lagu asteeyaa keli-talis, dib-u-dhac iyo boob ay ku danaysteen kooxo faro ku tiris ah oo ka soo jeeday gaashan-dhigga. Qaybaha bulshada ee taageeray kana soo horjeeday xukuumadahii la tuuray, iyaguna waxaa ay ku danbeeyeen in ay ku gubtaan dogobyada iyo dhinbilaha xukunka milateri.

 

Sidaa awgeed, muuqaaladii soo ifbaxay habeenkii Jimcaha 15/07,  ma ay ahayn kuwo ku cusbaa dalka, balse waxaa cusbaa bisaylka dadka iyo go’aan qaadashada shacab caddeysimo (hub laan) ah.

 

Kolkii kooxda inqilaabku ay gacanta ku dhigeen warbaahintii xukuumadda, Madaxweyne Erdogan waxaa uu suurta gashay inuu wareysi siiyay laanta Afka Turkiga eeTelifishanka CNN, isagoo farriin muqaal ah u sii mariyay warbaahinta bulsho ee “Facetime.” Erdogan waxaa uu shacabka ku booriyay, “si ay u ilaashadaan xukuumadda ay ku soo doorteen sida xalaasha ah in ay isugu soo baxaan jidadka magaalooyinka.” Weedhahiisii guubaabo waxaa ka mid ahaa, “Turkiga cusub in aanu ahayn Turkigii hore ee oggolaa heeryada ciidamada.” “Waa guulaysan doonaa.” “Si naxariis la’aan ah ayaan uga aar gudan doonnaa.”

 

Isla markaaba,  shacabka ayaa si xamaasad leh u ajiibay baaqa gilgilay bulshada oo ka soo yeedhay afka Madaxweynahooda. Tiro dad ah ayaa ka soo dareeray guri kasta iyo goob kasta ee ganacsi. Durba, waxaa ay isugu soo banbaxeen fagaarayaasha iyo jidadka. Nafhurid iyo qalbi bir ah ayay kala hor tageen ciidanka. Sida darteed, arrintu markiiba waxaa ay iska rogtay jirjir cadka.

 

Yididiilo ayaa soo bidhaantay markii ay cagaha ku qaateen ciidanka. Hirar dadweyne ah ayaa si miyir la’aan ah ugu qammaamay taangiyada iyo dhuumaha cabbaysan ee qoryaha darandooriga u dhaca.

 

Waxaa ay ku haliileen wax kastoo ay ka muuqato astaan ciidan. Waxaa ay indhahooda ka qarsadeen hubka culus oo hortooda gurguuranayay. Waxaana ay dhegaha ka furraysteen guuxa dayuuradaha korkooda lalayay oo ku soo fiiqayay qoryaha boobaha ah.

 

Dantu, waxaa ay isbaday shacab faro madhan iyo ciidamo hubaysan ilaa gows danbaydka.  Waxaa legdamayay wada-tashi iyo keli-talis, sharci iyo sharci-darro,  wanaag iyo xumaan. Waxaana si fool ka fool ah foodda isu daray damaca ciidanka iyo rabitaankii shacabka. Goolaaftan iyo hanjabaad, dhinacba dhinaca kale ayuu u babacdhigay. Mararka qaarkoodna xabbadu ayaa faraha ka baxaysay waxaana ay kurka ka guraysay dad shacab ah oo ku hubaysnaa hal-ku-dhegyadii Madaxweyne Erdogan.

 

Dagaalku saacado ayuu sii socday markii ciidamadu dib u gurteen. Marba marka ka danbaysa waxaa sii kordhayay tirada iyo miiganaanta shacabka. Ugu danbayntii waxaa  la jebiyay malo-awaalkii iyo hankii ciidamada.

 

Waxaana guulaystay runtii, geesinimadii iyo wadajirkii dadweynaha. Warbaahinta, dal iyo dibedba waxaa hadheeyay muuqaalo shacab faro madhan oo hubka ka dhigaya ciidan. Guul, guul, guul. Waxaa muuqday dablay iyo saraakiil beerka dhulka ku haya ka dib markii dadweynahu u xidheen si laba-duble ah.

 

Run ahaantii, awooddii shacabka ayaa ka gacan sarreysay awooddii qoriga. Dadweynaha ayaa ahaa halyayga, nafhuraha iyo geesigii jebiyay inqilaabkii la rabay in lagu shirqoolo xukuumadda. Waxaa fashilmay isku deygii afgembiga. Waxaana guulaystay gurmadkii iyo badbaadintii shacabka. Hase ahatee, waxaa isweydiintu ahayd Madaxweyne Erdogan sida uu u maarayn doono guusha ay u soo gacan geliyeen shacabku.

 

Maxuu Yeelay Madaxweyne Erdogan?

 

Madaxweynahu waxaa uu si degdeg ah u qiray shacabku in ay  badbaadiyeen dalka iyo xukuumadda. Waxaa uu si weyn ugu mahad celiyay dadweynaha isagoo ku guubabiyay in ay sii  tubnaadaan jidadka ilaa iyo inta, si dhab ah, loo saxar-tirayo denbiilayaashii.

 

Ciidamo u daacad ah Erdogan ayaa si degdeg ah u la wareegay hubkii dhulka daadsanaa iyo maxaabiistii u xidhnayd shacabka. Markan inta uu felaggu meeray waxaa is rogay taayir ku socda xawli dheeraad ah. Dadaya iyo dawladdu waxaa ay ku joogaan raadka kuwii eedda loo tirinayay.

 

Isniin: Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa qiray in shaqada laga fadhiisiyay dad tiradoodu gaadhay 8,777 kuwaasoo ay ka mid ahaayeen 7,899 ka tirsanaa booliska iyo sirdoonka. Isla markaa, waxaa jeelka loo taxaabay ilaa 7500.

 

Isniin: Ra’iisal Wasaaraha, Benali Yildirim ayaa tibaax ku sheegay, “ilaa hadda waxaa xabsiga la dhigay 7,543 eedaysane oo ay ku jiraan 100 boolis ah, 6,038 ciidanka gaashaandhigga, 755 garsoorka iyo xeer-ilaalinta iyo 650 shacab ah.” Intaa waxaa uu ku ladhay tiradu in ay sii kordhi karto iyadoo uu sii socdo hawlgalkii. Wakaaldda wararka qaranka waxaa ay sheegtay dadka la xidhay in ay ku jiraan 103 janaraal. Waxaa la rukhseeyay 30 Guddoomiye Gobol  iyo ilaa 50 saraakiil sare oo rayid ah.

 

Salaasa: Sida ay sheegtay Wakaaldda Wararka Reuters tiro 257 ka mid ahaa shaqaalaha xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa laga cafiyay shaqada. Tirada dadka la xidhay waxaa ay kor u dhaaftay 20,000 waxaana ka mid ahaa 185 isugu jira janaraalo iyo gaashaanlayaal sare. Ilaa 1,500 qof oo kale ayaa laga eryay Wasaaradda Maaliyadda.

 

Salaasa: Sidoo kale. Wasaaradda Waxbarashada ayaa shaqada ka eriday 15,200 qof. Isla marka, Golaha looga taliyo waxbarashada dalka ayaa amray in ay isa soo casilaan hormoodyada jaamacadaha dalka oo tiradoodu dhan tahay 1,577 hormood.

 

Arbaca: Si aaanay dalka uga bixin dad ku lug lahaa inqilaabka, Golaha Sare ee Waxbarashada ayaa si ku meelgaadh ah u mamnuucay in dalka looga dhoofi karo sababo shaqo ama waxbarasho. Isla markaa Golaha Waxbarasho waxaa uu rukhsadda (leesanka) ka la noqday 21,000 macallin oo wax ka dhiga goobha waxbarasho ee gaarka loo leeyahay.

 

Dhinaca kale, Madaxweyne Erdogan waxaa uu soo jeediyay in dib loo soo nooleeyo ciqaabta dilka oo Turkigu laalay sannadkii 2004 si ay u buuxiyaan shuruudaha looga baahanaa ka mid noqoshada reer Yurub. Madaxweynahu waxaa uu barlamaanka ka codsaday in ay dib u ansaxiyeen xeerka ciqaabta dilka si loogu fuliyo dadkii dhagarta galay. Waxaana uu ballan-qaaday haddii barlamaanku u soo gudbiyo isla markaaba inuu qalinka ku duugi doono.

 

Sida muuqata, xukuumaddu ma rabto in ay lumiso fursadan dahabka ah oo shacabku u soo gacan geliyay. Waxaa u qorshaysan in ay ku fuliyaan waxii qabyo ka ahaa. Hase ahaatee, sida ay wax u socdaan waxaa ka biyo diiday dad faro badan.

Madaxweyne Erdogan waxaa lagu duray in uu si ba’an cagta u mariyay dadkii ay ku kala duwanaayeen aragtida. Hase yeeshee, hawlgalka socda Madaxweynahu waxaa uu ku sheegay in uu yahay mid xididada loogu siibayo dadkii inqilaabka waday isagoo ku tilmaamay kuwaas in ay la mid yahiin cudurka Kansar.

 

Aragtada Bulshada Caalamka

 

Haddaba, tan iyo intii uu fashilmay inqilaabku, xukuumadda Erdogan waxaa ay ku kacday hawlgallo looga shakiyay aargoosi siyaasadeed. Ka sokow in ay cagta marisay dadkii ku lug lahaa afgembiga, waxaa la sheegayaa in loo hoos geliyay xadhiga iyo xil-ka-qaadista kumanyaal aan denbi lahayn kuwaasoo xukuumaddu u arkaysay in ay lid ku yahiin hoggaaminta Erdogan.

 

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa ku tiraabay in ay taageerayaan tallaabo kasta oo sharciga lagu hor keeni karo dadkii ka danbeeyay isku deyga afgembi. Hase ahaatee, waxaa uu intaa ku ladhay in ay aad uga digtoon yahiin in hawlgalka wax loogu dhimo dad aan eed galabsan oo loo ciqaabo aragtidooda siyaasadeed.

 

Dhanka kale, haweenayda awoodda badan ee u arrimisa dalka Jarmalka, Ra’iisal Wasaare Angela Merkel ayaa ka digtay in Turkigu dib u soo celiyo ciqaabta dilka. taasoo sida ay sheegtay dili doonta qorshahii uu Turkigu ku haybinayay reer Yurub.

 

Wasiirka arrimaha dibedda ee Faransiiska Jean-Marc Ayrault ayaa isaguna sheegay, “inqilaabka fashilmay, ma habboona in lagu xalaashado dabargoynta mucaaradka.” Sidoo kale, Johannes Hahn, sarkaalka Yurub u qaabilsan qadiyadda Turkigu inuu ku soo biro Iskaashiga Yurub ayaa isaguna xukuumadda ku eedeeyay in ay ka takhalusayso dad aan eed gelin.

 

“Malaha xukuumadda waxaa meel u yaallay liis lagu taxay dadka ka soo horjeeda. Hadda ayay la soo baxeen liiskii si loogu badhxo kuwa lagu eedeeyay inqilaabka.” Sidaa ayuu yidhi Johannes. Eedayntan waxaa ay wax u dhimmaysaa Turkiga oo tobanaan sannadood u ololaynayay in uu ku biiro reer Yurub.

 

Komishinarka Xuquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay, Zeid Ra’ad Al Hussein ayaa isuguna aad u dhaliilay sida tarabtarabta ah ee xukuumadda jeelka ugu gurayso dad loo malaynayo in aanay eed ku lahayn denbeyada lagu soo oogay. Komishanarku waxaa uu sheegay, “xaalad kasta oo uu dalku ku jiro, waxaa lama huraan ah in la sugo xuquuqda dadka.”

 

Ugu danbayntii, Mostafa Minawi, Agaasimaha culuumta Turkiga ee Jaamicadda Cornell ee carriga Maraykan ayaa isaguna sheegay inqilaabka dhicisoobay inuu yahay hadiyad u gacan gashay Erdogan taasoo xukuumaddu uga faa’iidaysan doonto si kastoo loo xakamayn karo ciddii ay u aragto in ay halis ku yahiin siyaasadeeda.

 

Haddaba, ayaa loo aaneeyay inqilaabka? Waa kuma wadaadka Fethullah Gulen ee lagu shaanbadeeyay in uu ka danbeeyay inqilaabka? Balse maxaa laga filan karaa Maraykan oo Erdogan ka codsaday in uu u soo gacan geliya wadaadka Gulen? Jawaabaha iyo waxii faallo dheeraad ah ka akhri Qaybta 3aad Iyo Shabakada Qurbejoog.

Xasan-Cumar-Hoori

Xassan Cumar Hoorri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh hassanhorri@gmail.com ama ku tixraacTwitter  @horrimania

 

Comments are closed