|

Go’aano Laga Soo Saaray Khilaafkii Xisbiga Ucid,Dooda Cida Guulaysatay oo Midba dhankiisa ku Sheegay DAAWO

Hargaysa 21.July 2016 (SDN/QJ):- Guddiga Diiwaangelinta axsaabta siyaasadda iyo ururada Qaranka ayaa maanta go’aan ka gaadhay khilaafkii Ururka Ucid.

Go’aanka gudiga oo nuxurkiisu yahay in heshiiskii labada dhinac galeen uu ahaa mid aan dhammaystirnayn oo aan golaha dhexe ansixin, xisbigaasina si wadajir ah u qabsado shirweynihiisii, isla markaana xubnaha golaha dhexe yihiin kuwii lagu ansixiyey shirweynahii hore ayaa waxa aqodobadiisa si rasmi ah ugu dhawaaqay Afhayeenka gudoomiyaha gudiga diiwaangelinta ururada iyo asxaabta qaranka Md Xasan Axmed Ducaale “Xasan Macallin”

markii uu go’aanku dhacay ka dib waxaa saxaafadda la hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Engineer Faysal cali waraabe, waxana uu soo dhoweeyey Go’aanka gudida.

Sidoo Kale Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” oo u hadlayay Garabka Jamaal Cali Xuseen ayaa dhankiisa soo dhaweeyay Go’aankan oo uu Sheegay inuu Xalkii Xisbiga Keenayo.

Comments are closed