|

SAWIRRO: Suldaankii Ugu Da’da Yaraa Somaliland Oo Maanta La Caleemo Saaray

Hargeysa,20,7,2 016(QJ/SDN) – Magaalada Qoton-dabo ee koonfurta gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland waxa maanta lagu Caleemo saaray Suldaan Sakariye Suldaan Maxamed Suldaan Cabdillaahi [Galaal] oo noqonaya Suldaanka ugu da’da yar salaadiinta Jamhuuriyadda Somaliland. Guud ahaan Salaadiinta Soomaaliyeedna waxa uu noqonayaa Suldaanka labaad ee ugu da’da yar – waxaana isaga ka da’yar Suldaan Maxamed Suldaan Suldaan Axmed [Hurre] oo reer Puntland ah.

Caleemo saarka Suldaankani ayaa timid kaddib markii sanadkii hore uu aabihii Suldaan Maxamed Suldaan Cabdillaahi [Galaal] uu ku geeriyooday Magaalada Makka ee dalka Boqortooyada Sucuudi Careebiya, isagoo Suldaanku xilligaasi gudanaayay cibaadada Xajka.

Caleemo Saarka Suldaankani ayaa wax aka qayb-galay Masuuliyiin kala duwan oo ka kala socotay madaxda dhaqanka Somaliland – xisbiga dowladda iyo labada xisbi Mucaarid oo ay ugu horreeyaan Guuddoomiye Cirro, Gudoomiye Faysal iyo Murashax Jamaal Cali Xuseen.

Munaasibaddan oo ay mid ballaadhan ayaa waxa si wayn goobtii lagu caleemo saarayay suldaanka usoo buux dhaafiyay madax tiro badan oo ka kala koobanayd, Cuqaal, Salaadiin, Siyaasiyiin iyo Xildhibaanno.

IMG_3015IMG_3016IMG_3023IMG_3028IMG_3032IMG_3039IMG_3042IMG_3046IMG_3047IMG_3055IMG_3062

IMG_3076IMG_3080IMG_3095IMG_3101IMG_3102IMG_3109IMG_3113IMG_3116IMG_3130IMG_3131
IMG_3267IMG_3271IMG_3306
IMG_3310

Comments are closed