Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo Qalliin Caafimaad Dalka Hindiya Loogu Sameeyay
Cadaado,20,7,2016 (QJ/SDN) – War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed uu safar caafimaad uu aaday dalka Hindiya todobaadkii tagey.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Ka hor intuusan Hindiya aadin, Madaxweynuhu wuxuu kulamo kala duwan kula lahaa Nairobi beesha caalamka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Deegaanka Dowlad Goboleedka Galmudug.
“Madaxweynaha waxaa lagu sameeyay qalliin fudud oo qaatay qadar ka yar saacad, wuxuuna ku soo laaban doonaa dalka haduu Eebbe idmo si uu usii ambaqaado hawlaha shaqo ee uu ka hayay Galmudug” ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka oo aan lagu sheegin halka qaliinka looga sameeyey Madaxweyne Guuleed.
Wakhti xaadirkan ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka waxaa si hufan u wada shaqooyinka la xidhiidha dhinacyada horumarka iyo siyaasadda Galmudug Madaxweyne Kuxigeenka iyo Golaha Wasiirada.
Warar madax banaan oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in madaxweynaha Galmudug qaliin looga sameeyey mid ka mid ah xididada maskaxda oo ciladoobay.