Taariikhda Af-gembiyada Milatari ee Dalka Turkiga Tan iyo Dhicitaankii Dawladdii Cusmaaniyiinta Iyo Lafo Gurkii Maxamed M.Yuusuf (Ilka Case)
Ankara 19.July 2016 (SDN/QJ):- Tan iyo Markii ay burburtay dawladdii Islaamiga ahayd ee Cismaaniyiinta ee dalka Turkiga waxa dalkaasi soo maray taariikh ahaan Inqilaabyo xukunka Dawladda lagaga tuuray talisyo dalkaasi soo maray kuwaasi oo ahaa afar inqilaab oo waaweyn marka laga yimaaddo Inqilaabkii habeenkii dhawayd dalkaasi ka fashilmay ee u suurta gali waayay ciidamada qalabka sida ee Turkiga oo ku noqonaya inqilaabkii 5aad balse isagu ahaa inqilaab fashilmay oo aan lagu dari Karin afartaasi hore oo dhammaantood ahaa inqilaabyo guulaystay.
Afarta Inqilaab ee Ciidamadu Turkigu hormuudka u ahaayeen ee soo maray taariikhda waddankaasi Turkigu waxa ay kala dhaceen sannadihii 1960-kii, 1971-kii, 1980-kii iyo kii Afraa oo dhacay 1997-kii, dhammaantoodna afartaasi Inqilaab waxa ay ahaayeen kuwo ay ciidamadu ku guulaysteen oo xukunka lagaga tuuray dawlado rayid ah.
Waddanka Turkiga oo leh ciidamo aad u dhisan oo leh taariikh weyn oo dhinaca awoodda ah lana sheego in ay yihiin hay’ad awood badan oo leh saraakiil sarsare oo aad isugu xidhan waxa ay dalkaasi awooddiisa ku lahaayeen taariikh ahaan xoog iyo cudud aad u ballaadhan oo mar walba isha ku haysa dawladaha ka dhasha dalkaasi iyaga oo inta badan gaadh-haye ka ahaa mabda’ Cilmaaniga ah ee uu seeska u dhigay Mustafa Kamaal Ataaturk oo ahaa aabbihii Turkiga casriga ah.
Afarta Inqilaab Ee Dalkaasi Turkiga Soo Maray Waxa Ay Kala Ahaayeen:
1. Af-gembigii 1960: (Waxa Fuliyey 38 Sarkaal Oo ciidamada Ah)
Waxa uu ahaa Inqilaabkii ugu horreeyey ee ciidamada waddanka Turkigu ku dhaqaaqaan tan iyo burburkii dawladdii Cismaaniyiinta. Waxaanu inqilaabkaasi dhacay sannadkii 27-kii Bishii May 1960-kii. Inqilaabkan waxa fuliyey Saraakiil dhallinyaro u badan oo darajooyin dhexe ah oo wakhtigaasi aan ahayn kuwa xilalka sare ciidamada ka hayay.
Waxaanu keenay in ciidamadu xukun daldalaad ah ku fuliyaan Ra’iisal Wasaarihii ay ciidanku inqilaabkaasi xukunka kaga tureen oo lagu magacaabi jiray Cadnaan Mandaris. Inqilaabkaasi waxa ku kacay 38 sarkaal oo isugu jira saraakiil sarsare iyo kuwo dhexe oo ka tirsanaa ciidanka qalabka sida ee Turkiga. Waxa ay xukunka ka tureen xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Cadnaan oo ahayd mid lagu soo doortay hannaan dimuquraadi ah, waxaanay inqilaabkaasi sameeyeen 27-May 1960-kii.
Afgembigaasi waxa ay ciidamadu ugu marmarsoodeen iyada oo uu wakhtigaasi dalka Turkiga ka jiray xaalad dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo adagi. Waxaanu maalintaasi inqilaabkani ku soo beegmay iyada oo Ra’iisal wasaare Cadnaan Mandaris uu safar ugu kicitimayay caasimadda Ruushka ee Mosocw si uu xaaladda dhaqaale uga soo gargaar waydiisto Ruushka.
Kooxda Afgembiga fulisay waxa ay xilka ka qaadeen 235 sarkaal oo ciidamada hogaankooda sare ahaa, waxa ay hawl-gab ku soo rogeen oo shaqada ka fadhiisiyeen in ku dhaw 3-kun oo askari. Waxa ay shaqada ka eryeen ku dhawaad 500 oo garsooreyaal maxkamadeed ah iyo in ka badan 1400 oo macalimiinta jaamacadaha ah waxaanay maalintaasi xabsiga dhigeen taliyihii ugu sarreeyey ciidamada Turkiga.
Waxa is dilay maalintaasi Wasiirkii Daakhiliga Turkiga markii ay kooxda af-gembiga samaysay ku xayireen qol cidhiidhi ah oo ku yaallay Xarunta Akaademiga ciidamada ee Turkiga.
Ra’iisal Wasaarihii iyo xubnihiisii xukuumadda dhammaantood waa la qabqabtay waxaana la soo saaray maxkamadda Kanjaro oo ku taalla jasiiradda Yasyada oo dhacda Badda Marmarah waxaana dhammaantood lagu soo eedeeyey ku tumasho dastuur, khiyaamo qaran iyo si xun u isticmaal hantida umadda ah, Ra’iisal wasaarihii waxa lagu xukumay xukun dil ah waana la daldalay.
- Af-gembigii 1971-kii (Waxa Hogaaminayay Memduh Tağmaç)
Inqilaabkan Labaad waxa uu ahaa mid ka mid ah inqilaabyadaasi afarta ah kuwoodii ugu halista badan ee culayska ugu badan lahaa. Waxa hogaaminayay Janaraal Memduh Tağmaç oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dalkaasi Turkiga.
Waxa uu inqilaabkaasi 2aad ahaa mid qabsoomay 12-kii March 1971, Waxaana lagu magacaabaa “Inqilaabkii Warqadda” iyada oo looga jeedo in uu ahaa inqilaab ay ciidamada qalabka sida ee Turkigu farriin warqad ku qoran u adeegsadeen halkii ay dabbaabado iyo hub culus u adeegsan lahaayeen sida kii ka horreeyey. Waxaana inqilaabkaasi lagu afgembiyey Ra’iisal Wasaarihii wakhtigaasi ee sida dimuuqraadiga ah loo soo doortay oo lagu magacaabi jiray Suleymaan Dimiral.
Af-gembigaasi oo sida aan soo sheegnay ahaa mid halis badan sida loo soo qorsheeyey haddana wax dhiig ahi kuma daadan waxaanay kaliya ciidamadu Ra’iisal Wasaare Sulayman Dimilar u direen warqad ay ku amreen in uu xukunka iska soo wareejiyo sidaasaanu aayar xilka isaga dhiibay.
Sababaha inqilaabkaasi keenay waxa uu la mid ahaa kii hore iyada oo sannadihii lixdameedyadii dalkaasi ay ka jireen kacdoono, qalalaase siyaasadeed, xisbiyo is dirdiyaya oo keenay hoos u dhac dhaqaale oo ba’an. Waxaana inqilaabkaasi aad u dhaliilay oo ka soo hor jeedsaday hogaamiyihii xisbiga mucaaridka ugu weynaa wakhtigaasi Cizmat Nounu.
Waxa talada dalka qabtay Fret Melin oo laba sanadood gudahood ku diyaariyey doorashooyin kale.
….La Soco
Qaybta Labaad Khamiista Haddii Alle Ogolaado