Mujaahid Xasan Guure oo Weji Kale u Yeelay Shir ay yeesheen Beelaha Galbeedka Burco Iyo Konfurta Hargaysa oo Muran siyaasadeed ka Abuuray Somaliland DAAWO
Hargaysa 19.July 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Mudooyinkii u danbeeyay Caasimada dalka ee Hargaysa ka Socday Shir ay Qabanqaabadiisa dabada ka riixayaan Siyaasiyiin Miisaan Culus ku Leh Saaxada Siyaasada Somaliland oo ka soo Kala Jeeda Beelaha Walaalaha ah ee Dega Galbeedka Burco iyo Koonfurta Hargaysa.
Siyaasiyiinta Shirkan wada waxaa ka mid ah Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa, Coranayl Axmed Mire Maxamed,Aqoon yahan Cali Ibraahin “Sanyare” iyo Hal door kale.